Skip to main content

Posts

Showing posts from 2015

Qamaan Bulxan Abwaan Farshaxan Ah.

Soomaalida waa bulsho hodan ku ah abwaano iyo Maansayahano foolaad ah, kuwaasoo ka dalleeyay deelqaaf iyo naxli intuba; dabuubaha gabay iyo tixaha maanso ee ay curiyeen, Afka Soomaliga iyo inta ku hadashana u dhaafay dhigaal- murtiyeed dheeman iyo luul ah.  Hadaba waxaa jira  mid ka mid ah baarqabtaan oo ubareeray inuu ka leexdo qaabka ay caanka ku tahay suugaanta iyo gabayada soomaaliyeed kaasoo ah; In gabyaagu si qumaati ah u abaaro ujeedada  iyo arrinta uu ka maansoonayo, asaga oo adeegsanaya hadba erayada iyo oraahda ku haboon ujeedkiisa, amba asaga oo adeegsanaya sarbeeb uu ku daahay ujeedooyin waayen.  Gabyaaga Qamaan  waxa uu awood u helay inuu si farshaxnimo ah ugu shaqlo maansooyinkiisa sawir-maskaxeed, si daal iyo dhib la'aan ah ugu sharxayaa dhageystaha ujeedkiisa isaga oo hor keenaya muuqaal uu ku laray dareenka dhabta ah ee uu isagu qabo si uu sahal ugu rumeysto dhageystaha, isaga oonan u baahan faaafihin iyo fasiraad dheer. Bal aynu milicsanno tuduco t

الجدار العازل الكيني ...والبدائل الممكنه

بقلم/ آدم حسين  Adam.abdif@yahoo.com بعد هجوم المبنى السكني لجامعة “جاريسا” فجر الخميس السادس من الشهر أبريل المنصرم 2015، والمجزرة التي تمت في حق 147 طالبا تم احتجازهم كرهائن داخل الجامعة بدا واضحا أن كينيا في قائمة الدول الأكثر عرضة لآفة الإرهاب، وتواجه خطرا حقيقيا يأتي هذه المرة من عقر دارها ويكون منفذوه مواطنين من بني جلدتها خاصة بعد أن اتضح أن أحد منفذي الهجوم كان ابن مسئول حكومي؛ مما لا يدع مجالا للشك بأن محاربة الإرهاب في الداخل أوجب من مطاردته في الخارج. وأعاد هذا الهجوم الأذهان إلى هجمات مماثلة شهدتها كينيا منذ أن أرسلت جيشها إلى الصومال عام 2011 بدعوى محاربة الإرهاب؛ ابتداء من هجوم مركز”ويست غيت” التجاري في العاصمة نيروبى وإعدام 68 شخصا فيه ، مرورا بمذبحة “كورمي” التي أعدمت فيها حركة الشباب 36 من عمال المحاجر المسيحيين بعد تمييز المسلمين منهم في منتصف الليل أثناء تواجدهم في الخيام المخصصة لهم في محيط المحجر الكائن في منطقة “كورمي”. بالإضافة إلى 28 راكبا من المسيحيين الكينيين كان معظمهم مدرسين في طريق العودة إلى مقر عملهم في مدينة منديرا الواقعة على الحدود الكينية الص

Xukuumadaha Seqda-dhexe

" Xalal maalin ayaa laquutaa " weedhan hadii ay dhagaaha horey uga dhaadhacdey; sidaa darteedna Xalal –miirad aad tahay, waxa aad u baahantahay in aad maanka galiso, luuq-luuqyada siyaasadda xaraanta iyo xalaasha hadba qiimohooda waxa uu dhanyahay inta ay hubanti ka dhigi karaan danaha daahsoon ee Caalamka Siyaasadda.  Badanaa xukuumadahii soo maray dalka mudadii dawlad la'aanta, waxa ay guud ahaan ka mideysnaayeen, hanaanka Magac-uyaalimo ee ka maran milgaha dhabta ah ee Hay'adnimo, markii lagu qiimeeyo heerka adeega ee ay u hayso bulshada iyo dalka guud ahaan; sumcadda musasadda iyo suurta galnimada in ay sal-dhigato mustaqbalka.  Runtii, in kasta oo ay jiraan caqabado badan oo horyaalo shaqo-gudashada iyo taaba-galka Waaxaha kala duwan ee dowladda, hadana waxaa la oran karaa waxa anan jirin ogaal iyo qorshe istiraatiji ah oo ay u dajiyeen dadka gacanta ku haya.  Hayeeshe markii laga yimaado qiimeynta ku aadan heerka shaqa-gudashada amba guud ahaan nuxurka ha

Dameerkii Boqorka lamooday

Soomaalida iyo Bulshooyinka caalamka  ayaa dhamaan ka siman in ay masa-bididdaan xayawaanada, afkana ugu tiraan, tiraab uunan Eebe awood usiin orashadeeda. Sida ay rumeysan yihiin abwaanada suugaantuna, tani waxa ay qeyb ka tahay tabaha ay bulshooyinku wax u tusaaleeyaan jiilasha ka danbeeyo  iyo si ay u baraan hiddahooda. Iyaga iyo ku Alla hoode, waxay sheegeen  waa waayada kamid ah, ayuu Dameer damcay in uu noqdo boqorka Kaynta, Habar Dugaag wadar ahaantoodna ay sacabka u tumaan, sare na uqaadaan . Waxa uu  rumeysnaa in uu mudan yahay in uu noqdo boqor, isaga oo si hoose  isu tusay in boqornimadu aysan ahayn meeqaan sare oo lagu maamuusay  Aar-libaax oo qura ah,  ee ay tahay meerto , dhamaan habar dugaagna  ay u wada siman yihiin . Waxa uuse ogaa in aysan suurtagal ahayn  Boqortooyo, iyada oo uu joogo Boqorkii kaynta iyo habar dugaag oo idil ahaan ba taqiinay dameer . Sidaa-daraadeed,  waxa uu go'ansaday in uu hindiso xeelad uu ku hanan karo jagadaan. Waxa ay talo uga

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

"Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa" oraah fac-weyn  ayaa tiri. Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda waxa ay noqon karaan cudud anan la loodin karin.