Soomaalida iyo Bulshooyinka caalamka ayaa dhamaan ka siman in ay masa-bididdaan
xayawaanada, afkana ugu tiraan, tiraab uunan Eebe awood usiin orashadeeda. Sida
ay rumeysan yihiin abwaanada suugaantuna, tani waxa ay qeyb ka tahay tabaha ay
bulshooyinku wax u tusaaleeyaan jiilasha ka danbeeyo iyo si ay u baraan hiddahooda.
Iyaga iyo ku Alla hoode, waxay
sheegeen waa waayada kamid ah, ayuu
Dameer damcay in uu noqdo boqorka Kaynta, Habar Dugaag wadar ahaantoodna ay
sacabka u tumaan, sare na uqaadaan . Waxa uu rumeysnaa in uu mudan yahay in uu noqdo boqor,
isaga oo si hoose isu tusay in
boqornimadu aysan ahayn meeqaan sare oo lagu maamuusay Aar-libaax oo qura ah, ee ay tahay meerto , dhamaan habar dugaagna ay u wada siman yihiin .
Waxa uuse ogaa in aysan suurtagal
ahayn Boqortooyo, iyada oo uu joogo
Boqorkii kaynta iyo habar dugaag oo idil ahaan ba taqiinay dameer . Sidaa-daraadeed,
waxa uu go'ansaday in uu hindiso xeelad
uu ku hanan karo jagadaan. Waxa ay talo uga dhamaatay in uu xado "Koofiyadii
iyo Maqaarkii " Boqorka kaynta, si ay ugu suurta gashayba waa uu helay
labadiiba, dabadeedna xirtay, waxa uuna u dhaqaaqay dhanka habar dugaag, isaga oo xitaa naf ahaan tiisa iska shakisan
in uu dameer yahay iyo in kale.

Waa caadeede , Habar-dugaag dhamaan
waxa ay sacab iyo ala'laas ku soo dhaweeyeen boqorka . Shinbiruhu geedaha
baarkooda ayay heeso midiba ceynta tahay cod macaan ku xardheen. Halka
xamaarataduna ay godadkeedii xaluulatay surkana ka soo taagtay irridda qolqolkeeda,
ishana laraacday xarrago-kibir ka boqorka iyo damaashaadka ciidankiisa. Intii
qanjaaful ka lahaydna goor hore ayay hadda
cagaha wax ka dayeen, buuraha dhakadooda salaanta uga qaateen Boqorka.
Hayeeshe, horaa loo yiri "Laafyo
aadan u dhalan lix Talaabo kulama gaaraan". Waxa uu durbadiiba boqor kii
la soo if baxay, wax caada maleh ah ,
horeyna aanan loogu baran boqorka kaynta. "Boqorku dareemada ma cuni
jirin, mana digeyn jirin, ee miyuu bukaa?" ayay ku haasawday habar dugaag.
Waxa uu arrin sidaa ahaadaba, Dacawo(dawaco)
oo loogu dawgalay dhagar iyo sir ayaa
go'aansatay in ay u dhaba-gasho boqorka, ayna xuuraanto arrinkiisa. Waa Dameer
iyo doqonimadiiye, waxa uu is yiri, mar haddii aad noqotay boqorka habar dugaag
carriga adaa u weyn oo wax kaa daba
hadli karaayi ma leh . deetana hada koofiyaddii iyo maqaarkii geed surtay ayuu
sidiisii dureemada habeyn iyo maalin ba daliiqay . Goor uu ku hawlanaa
cantuugada cawska ayay dacawo ka xadday Koofiyaddii waxayse u dhaaftay maqaarkii.
Dacawadi waxa ay isugu yeeratay habar dugag,
una sheegtay xaqiiqada iyo wixii ay aragtay, dhamaan habar-dugaagna waxay ku dul
waa bariisteen dameerki oo maqaarki xiran, dhagihii dheeraa ee cirka utaagnaa
midba mar dhaqdhaqaajinayo . Halkaa ayuunu ku fashalay isku daygii dameerka.
Dulucda sheekada waxa ay tahay (qof
waliba ma noqon karo boqor, xukunkuna waxaa haboon in uu gacanta ugu jiro kuwa
sharafta iyo meeqaanka leh haddi kale fawdo iyo dulinimo ayaa dhici)
Malaheyga arrinta ay bulshooyinka
dhamaan Libaaxa ugu baxsheen boqorka kaynta
waxa ay tahay iyaga oo rumeysan milgaha iyo haybadda uu ku dhex leeyahay habar
dugaag iyo sida uu uga gedisanyahay hab dhaqankiisu. Sida uu rumeysan
yahay C/raxmaan Bin Khulduun Caalimkii Muslimka
ahaa ee "Cilmiga Bulshada". " Waxaa haboon in ay xukumaan
bulshada kuwa dhexdooda ku leh haybadda, sumcadda wanaagsan, awooda iyo
sameyntan."
By Adam Hussein
Comments
Post a Comment