Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2017

Isbadelka Siyaasadeed ee Sucuudiga iyo Saameynta Gobolka

Aroornimadii arbacada (June 21, 2017) shacabka Sucuudiga waxay ku soo tooseen isbadal cusub oo dalkooda ka dhacay, Kadib markii boqorka dalkaasi uu xilka dhaxalsugaha boqortooyada u magacaabay wiil uu isagu dhalay, wuxuuna xilka ka qaaday wiilka uu adeerka u yahay ee Maxmed Bin Nayef oo xilkaan hayay. Go’aan boqortooyada soo saartay ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Maxamed Bin Naayif oo ahaa dhaxal sugaha(Ku-xigeenka boqorka) dalka Sucuudiga, laguna bedalay Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka ugu saameynta badan siyaasadda dalkaasi. Maxamed Bin salmaan oo ah wiil uu dhalay boqorka dalka Sucuudiga boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa  hore u ahaa dhaxal-sugaha 2aad, ahna wasiirka gaashaandhigga. Go’aanka ayaa dadweynaha wuxuu farayaa in ay Ballan-ogal la galaan dhaxal-sugaha cusub galabta arbacadda salaadda Taraawixda kadib. Dhanka kale dhaxalsugihii hore Maxamed Bin Nayif ayaa la arkayay isaga oo baycada la galaya dhaxalsugaha cusub ee Maxamed Bin Salmaan.