Skip to main content

Posts

Showing posts from March 26, 2016

Milicsi: Qodobada Heshiiska Kismaayo

Ugu horreyn heshiiska Kismaayo ay kuwada galeen beel kamid ah kuwa deegaanada Jubbooyinka iyo maamulka Jubbaland,  waxaa la oran karaa waa talaabadii ugu horreysay ee maamulkaasi uu u qaado dhinaca dib u heshiisiinta tan iyo markii la dhisay maamulkaas oo  haatan laga joogo ku dhawaad sadex sano( 15 may 2013) . Dhanka kale heshiiskani waxa uu ku soo beegmay xilli uu dalku ku jiro u diyaargarowga doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa sharcidajinta(Barlamanka) ee heerka Federaaliga ah iyo waliba iyada oo ay jiraan isbedello dhulka ah oo ay ugu horeyso ka bixitaanka ciidamada Kenya qeyba ka mid ah deegaanada Jubbooyinka, kadib khasaarihii Cel-Cade. Hadaba Waa maxay xiriirka uu heeshkani la leeyahay labadaasi arrimood ee aanu kor ku xusnay? Maxayse tahay sababta soo dadejisay  inay heshiiskani  wada gaaraan dhinacyadii Jubbooyinka isaga soo horjeeday? Maxaase qiima ah uu u leeyahay maamula Jubbaland? **** Hadii aan dib u milicsao maalmihii tagay iyo mudadii uu jiray maamulka Jub