Skip to main content

Qamaan Bulxan Abwaan Farshaxan Ah.


Soomaalida waa bulsho hodan ku ah abwaano iyo Maansayahano foolaad ah, kuwaasoo ka dalleeyay deelqaaf iyo naxli intuba; dabuubaha gabay iyo tixaha maanso ee ay curiyeen, Afka Soomaliga iyo inta ku hadashana u dhaafay dhigaal- murtiyeed dheeman iyo luul ah. 

Hadaba waxaa jira  mid ka mid ah baarqabtaan oo ubareeray inuu ka leexdo qaabka ay caanka ku tahay suugaanta iyo gabayada soomaaliyeed kaasoo ah; In gabyaagu si qumaati ah u abaaro ujeedada  iyo arrinta uu ka maansoonayo, asaga oo adeegsanaya hadba erayada iyo oraahda ku haboon ujeedkiisa, amba asaga oo adeegsanaya sarbeeb uu ku daahay ujeedooyin waayen. 

Gabyaaga Qamaan  waxa uu awood u helay inuu si farshaxnimo ah ugu shaqlo maansooyinkiisa sawir-maskaxeed, si daal iyo dhib la'aan ah ugu sharxayaa dhageystaha ujeedkiisa isaga oo hor keenaya muuqaal uu ku laray dareenka dhabta ah ee uu isagu qabo si uu sahal ugu rumeysto dhageystaha, isaga oonan u baahan faaafihin iyo fasiraad dheer.

Bal aynu milicsanno tuduco tusaalooyin ah oo ka mid ah gabayadiisa:-
(Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane 
Oon doonahayn inaad heshana , daayin abidkaaye.....). Bal u fiirso sid uu gabyaagu inoo tusaaleynayo laqdabada ,laba wajiileynta iyo munaafaqnimada isga oo anan adeegsan erayo muujinaya arrin kaas.Lakin taa badelkeeda waxa uu ina horkeenay sawir-maskaxeed farshaxan ah oo aynu madaxa uruxnay, ugana kaaftooney sharaxaad dheer.

Tusalle 2aad(Toorida ninkii kuu dadbee,  daabku uu celiyey
Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane....) halkani waxa uu abaanku nagu barayaa sida aysan ukala sokeyn midka dakanada gala iyo midka u sacba-tumaya, oo ay dhaliishoodu tahay mid qura.Ma uusan adeegsan "Xarfaha Isu-ekeysiinta" si uu usimo danbiga iyo eedda ay leeyihiin landooduba, Hayeeshee wuxuu nagu haqabtiray sawir iyo muuqaal run ah oo taa ka marag-kacaya.

Tuusaale 3aad(Cawl baa midgaan soo gasbaday, jeer gabraar tagaye
Isagoon wax lagu gowraciyo, geedhisaba haysan.....Jeenay gafsiisoo minday, qodatay garaaye....) Bal eeg sida farshaxnimada ah ee abwaanku u cabiray weedhiisa, isga oon bixin faaafihin dheer ama anan adeegsan sarbeeb dahsoon ayuu qaab sawir ah ugu duurxulay Maansayahan kale oo ay is maangaranayan. Waxa uu ka maarmay in uu yiraahdo; Nin dakana galey oon dabinka la gaadayay oo dalaq isagu soo yiri, daliilkina isku oogay ayaa tahay!!!

(Ma dumaalo naaguhu ninkay , nolol ku dayrshaane 
Dayib uma yidhaahdaan jeeroo , hawli daashado e 
Nin walaalkii doorsaday Ilaah , derejo siin waaye.....)

Kuwaas iyo in badan oo fashaxanno kale ah ayaa ka buuxa maansooyinka abwaanka weyn ee Qamaan Bulxan (E.H.N). Waxa hubaal ah in suugaanta soomaaliyeed ay u babac-dhigi karto suugaanta caalamiga ah hadii aysan kaba sidan. Waxaa haboon in barashada suugaantaas hodanka  laga hormarsho barashada (William Shakespeare & Emurl-qeys ki Carbeed)

Comments

Popular posts from this blog

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

"Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa" oraah fac-weyn  ayaa tiri. Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda waxa ay noqon karaan cudud anan la loodin karin.

Wadamo soo hayo wadadii Soomaaliya

Liibiya : Horaantii 2011ka ayaa waxaan daawanayahay tasriix ay bixisay Helary Clinton oo ahayd Xog. Arr. Dibadda ee Maraykanka waxay tiri:" Waxaan ka (walwal)-sanahay in Libiya ay noqon doonta Somaliya weyn! . Hadalkasi wuxuu si cad u muuqdaa maantay markii la eego xaaladda siyaasadeed ee ka jirta dalkaasi.   Sidoo kale 28, Septemeber Sanaddii 2013 ayaa wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka wuxuu faafiyay qormo ciwaan loogadhigay  "How 5 Countries Could Become 14?" wadamadaasi 5ta ah waa : Suuriyo, Ciraaq, Liibiya,Yemen iyo Sacuudiga. Hadaba qormadaani oo ka mid ah taxane aan ku eegayno xaalladaha siyaasadeed ee dalakaasi, waxaan ku soo qadanaynaa Xaaladda Liibiya: Dorraad magaalada caasimada ah ee Tiriibuli waxaa doon ku yimid dawlad lagu soo dhisay magaalada Sekheirat ee dalka Maroco, oo uu madax ka yahay Faiz Siraaj, taasoo ay aqoonsantahay QM, hase ahaatee hadda waxaa magaalada caasimadda ah gacanta ku haysa Xukuumad kale oo uu hogaaminayo Kh

صالح والرقصة الأخيرة.. على رؤوس الثعابين.

سيرة حياته حافله على الكثير من الأدوار والمواقف المتناقضة جسدت طراز زعامته وسلوك حياته السياسية التي كانت عباره عن مسلسل طويل من التحالفات ثم الانقلاب علي تلك التحالفات عندما يشعر بالقوة، لكن تحالفه الأخير مع الحوثيين كان خاتم تحالفاته؛  بل وآخر رقصة أنهت مسيرته السياسية وحياته. إنه علي عبد الله صالح صاحب نظرية "الرقص على رؤوس الثعابين" والذي شبه حكم اليمن الرقص على رؤوس الثعابين فجعل من نفسه "ساحرا" لتحقيق ذلك فأحكم قبضته على اليمن حتى بعد تنحيه عن الحكم، عقب موجة احتجاجات ضد حكمه الذي استمر ثلاثة عقود حيث بقي لاعبا رئيسيا في أحداث اليمن حتى بعد خروجه عن السطلة أواسط ٢٠١١م. نشأته : ولد علي عبدالله صالح عام 1942 في قرية بيت الأحمر التابعة للعاصمة صنعاء ولم يلق تعليما نظاميا. فقد بدأ دراسته في كتاب قريته وعندما بلغ السادسة عشر انضم إلى القوات المسلحة، وواصل الدراسة أثناء الخدمة في الجيش. وكان صالح من بين العسكريين الشباب المسؤولين عن التخطيط لانقلاب السادس والعشرين من سبتمبر/ أيلول عام 1962 وتنفيذه. وجرت ترقيته في عام 1963 إلى رتبة ملازم ثان ثم تدرج با