Skip to main content

Posts

Showing posts from January 14, 2015

Dameerkii Boqorka lamooday

Soomaalida iyo Bulshooyinka caalamka  ayaa dhamaan ka siman in ay masa-bididdaan xayawaanada, afkana ugu tiraan, tiraab uunan Eebe awood usiin orashadeeda. Sida ay rumeysan yihiin abwaanada suugaantuna, tani waxa ay qeyb ka tahay tabaha ay bulshooyinku wax u tusaaleeyaan jiilasha ka danbeeyo  iyo si ay u baraan hiddahooda. Iyaga iyo ku Alla hoode, waxay sheegeen  waa waayada kamid ah, ayuu Dameer damcay in uu noqdo boqorka Kaynta, Habar Dugaag wadar ahaantoodna ay sacabka u tumaan, sare na uqaadaan . Waxa uu  rumeysnaa in uu mudan yahay in uu noqdo boqor, isaga oo si hoose  isu tusay in boqornimadu aysan ahayn meeqaan sare oo lagu maamuusay  Aar-libaax oo qura ah,  ee ay tahay meerto , dhamaan habar dugaagna  ay u wada siman yihiin . Waxa uuse ogaa in aysan suurtagal ahayn  Boqortooyo, iyada oo uu joogo Boqorkii kaynta iyo habar dugaag oo idil ahaan ba taqiinay dameer . Sidaa-daraadeed,  waxa uu go'ansaday in uu hindiso xeelad uu ku hanan karo jagadaan. Waxa ay talo uga