Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2015

Qamaan Bulxan Abwaan Farshaxan Ah.

Soomaalida waa bulsho hodan ku ah abwaano iyo Maansayahano foolaad ah, kuwaasoo ka dalleeyay deelqaaf iyo naxli intuba; dabuubaha gabay iyo tixaha maanso ee ay curiyeen, Afka Soomaliga iyo inta ku hadashana u dhaafay dhigaal- murtiyeed dheeman iyo luul ah.  Hadaba waxaa jira  mid ka mid ah baarqabtaan oo ubareeray inuu ka leexdo qaabka ay caanka ku tahay suugaanta iyo gabayada soomaaliyeed kaasoo ah; In gabyaagu si qumaati ah u abaaro ujeedada  iyo arrinta uu ka maansoonayo, asaga oo adeegsanaya hadba erayada iyo oraahda ku haboon ujeedkiisa, amba asaga oo adeegsanaya sarbeeb uu ku daahay ujeedooyin waayen.  Gabyaaga Qamaan  waxa uu awood u helay inuu si farshaxnimo ah ugu shaqlo maansooyinkiisa sawir-maskaxeed, si daal iyo dhib la'aan ah ugu sharxayaa dhageystaha ujeedkiisa isaga oo hor keenaya muuqaal uu ku laray dareenka dhabta ah ee uu isagu qabo si uu sahal ugu rumeysto dhageystaha, isaga oonan u baahan faaafihin iyo fasiraad dheer. Bal aynu milicsanno tuduco t