Skip to main content

Posts

Showing posts from April 8, 2016

wadamo soo hayo wadadii Soomaaliya:2aad-Yemen

 Waxay ka mid tahay Yemen,wadamadii uu ka curtay Gu'gii Carabta hortaantii 2011kii,ha yeeshee xaaladda  siyaasadeed ee dalkani waa mid dhinacyo badan uga duwan wadamadii kale ee ay towrooyinku ka curteen. Waxayna noqoneysaa Yemen wadanka kali ah ee ay towro ka dhacdey, hase ahaatee wax is bedel siyaasadeed iyo waliba mid maamul oo dhab ah uusan ka dhinic. Dhamaadkii 2011kii, waxaa xilka wareejiyay madaxweyne Cali Cabdalle Saalax oo wadankaasi ka talinayay ku dhawaad muddo 30 iyo dhawr sano ah. Waxaana talada dalka qabtay  bishii Feebarayo 2012kii, Cabdi-rabow Masuur oo ku xigeen u ahaa Cali Saalax 18 sano!.  Qaabka uu xilka ku wareejiyay madaxweyne Saalax wuxuu ahaa mid siyaasadeed oo cajiib ah kasoo ahaa in si nabdoon xilka uu ku dhiibo , isagana aanan wax qaan ah loo raacan, arrintanina waxay ku timid dadaallo ay sameeyeen wadamada khaliijka oo loo bixiyay Waanwaantii Khaliijka (Gulf Initiative) taasoo uu ku helay"Xasaanad" madaxweynihii talada laga qaade