Skip to main content

Posts

Showing posts from April 22, 2016

Dhaqan-xumada Siyaasadeed: waa maxay?

Labada magac-uyaal ee "Qaran" iyo "Qabiil" waa sida " Madax" iyo "Minjo" oo kale, haddii ay minjuhu ka sara maraan madaxa. Qofku ma saan qaadi karaa? waa may. Waa sidaas oo kale markii danta qabiiladu ay ka kor marato midda qaranka!!.Qabiilka oo Qaranka laga sarreysiiyo waa dhaqan-xumo siyaasadeed. Talada iyo hoogaamintu waa xaq ay bushadu u wada simantahay, waxaana lagu muteystaa in loo cagatamo oo iyada oo marqaati looga wada yahay uu qofkii laaqi u ah ku soo baxo . Mar Haddiise qofka lagu doorto musuq ama waa ina adeerkay mudnaan lagu siiyo midaasi waa dhaqan-xumo siyaasadeed. Kooxda ciyaartooyda ah markii ay garoon ku dheelayaan waxay dadweynuhu ugu sabacabo-tumaan ciyaar wanaagooda waa wadarta ay u ciyaarayaan. Hadiise uu mid qura marooqsado kubada sabac laguma maamuuseen. Waxaa sidaasi ka dhigan in mid qur ah uu hogaanka iyo talada marooqsado inta kalena meel ku xiro, dabeedna yiraahdo aniga kali ah ayaa meesha macalin ka ah. D