Skip to main content

Posts

Showing posts from March 27, 2016

Ree-Hiiraan: Halyeeyo is-hortaagay Hadimadii Damul Jadiid:

Waxaa maalmahaan socdey dadaalo iyo kulamo isdabajoog ah oo ay xukuumada Federaalka ah kawaday gobolada Hiraan iyo Shabeellada Dhexe , kuwaas oo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo labadaasi gobol, hase ahaatee dadaaladaas ayaa dadka deegaanadaas dagani, gaarahaan bulshada ree Hiiraan aysan soo dhaweyn,iyadoo ay natiijo-darro ku dhamaadeen kulama badan oo ay wada yeesheen madaxda ugu sareeysa xukuumada Federaalka ah iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo uu ugu danbeeyeen kulankii madaxweynaha Xasan Sheikh ee maantay iyo kii Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid ay la yeesheen odayaasha deeganka oo ay u dhaxeysan uun dhawr maalmood. Dadka ku nool gobolka Hiiraan waxay si dhab ah u garteen ajandaha ay xukuumadu ka leedahay dhismaha maamulkaasi, inuusan ahayn mid ku saleeysan danta iyo rabitaanka dadka deegaanka ee uu yahay mid lagu jaangooyay qorshayaasha ururka Damul Jadiid ee ku aadan doorashooyinka 2016. Waxaa arrintani cadeynaysa sida ay ciidamadu dawladdu shalay ula dhaqmeen dad