Skip to main content

Posts

Showing posts from 2019

Maxay tahay raadka Sharciyeed ee ka dhalanaya kali-Is-Doorashada Axmed Madoobe?

  Maalinta khamista ah ee soo socota; marna la mid ma noqoneyso kuwii  sanadihii 2013 iyo 2015kii, oo Laba mar  oo hore Sh Axmed Islam uu si iskii ah isugu caaleemo saaray magaala xeebedka Kismaayo madaxweynaha Dawladda Jubbaland!. Labada goorood, oo ay Axmed kaalmeysay duruufo iyo xaalado siyaasadeed oo dalka ka jiray; kuwaasi oo haatan ay sua'al ka tagaantahay in ay sidoodii yihiin iyo in kale.  Waxaan qormadaan ugu kuurgelayna xaaladda jubbooyinka ka tagan.  Yaa dhisay Jubbaland?  Jubbaland waa magaca siyasaded ee haatan dad badan u yaqaanan Gobalada Gedo & labada Jubbo, magacbixinta iyo dhismaha maamul goboleedkani; marna ma ahayn mid lagu heshiiyay. Wuxuu ku dhashay kuna hana qaaday kedis uu gadaal-socday culeys iyo faragelin shisheeye.  Si kooban maamulkani aya  sidii roobala-dhaca mar qura dhashay kadib soo gellitaankii ciidamada XD-Kenya oo dabayaqaadii 2011 kii soo galay qeyba badan oo kamid ah deeganada jubbooyinka ee koofta Soomaaliya. Waxay a