Skip to main content

Xukuumadaha Seqda-dhexe

"Xalal maalin ayaa laquutaa" weedhan hadii ay dhagaaha horey uga dhaadhacdey; sidaa darteedna Xalal –miirad aad tahay, waxa aad u baahantahay in aad maanka galiso, luuq-luuqyada siyaasadda xaraanta iyo xalaasha hadba qiimohooda waxa uu dhanyahay inta ay hubanti ka dhigi karaan danaha daahsoon ee Caalamka Siyaasadda.

 Badanaa xukuumadahii soo maray dalka mudadii dawlad la'aanta, waxa ay guud ahaan ka mideysnaayeen, hanaanka Magac-uyaalimo ee ka maran milgaha dhabta ah ee Hay'adnimo, markii lagu qiimeeyo heerka adeega ee ay u hayso bulshada iyo dalka guud ahaan; sumcadda musasadda iyo suurta galnimada in ay sal-dhigato mustaqbalka.

 Runtii, in kasta oo ay jiraan caqabado badan oo horyaalo shaqo-gudashada iyo taaba-galka Waaxaha kala duwan ee dowladda, hadana waxaa la oran karaa waxa anan jirin ogaal iyo qorshe istiraatiji ah oo ay u dajiyeen dadka gacanta ku haya.

 Hayeeshe markii laga yimaado qiimeynta ku aadan heerka shaqa-gudashada amba guud ahaan nuxurka hay'adnimo, waxaa u dheer cimri deg-deg ku yimaado sii-jiritaanka Hay'adahan, taas oo ay inta badan sabab u tahay is-maandhafka aan loo meeldayin ee u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Somaliya.

 Si kastaba ha ahaatee, waayadan danbe waxaa ku soo kordhay goobta tab-cusub oo ay la soo ifbaxday siyaasadda dalka , taas oo ay dad badan is weydiiyeen sababta dhabta ah ee ka danbeyso; Hadaba "Xukuumadda Seqda-dhexe" lagu dhawaaqo ayaa noqotay arrin kaftan iyo maad ka dhex-dhalisay bulshada.

 Dad badan waxa ay rumeysan yihiin in arrintanu ay tahay taatiko lagu seero jiniga kooxda "Dhiiga-cusub" ee majaraha u haya siyaasadda dalka kuwaas oo inta badan habeynkii aan il iyo baal isa-saarin, Halka kuwa kale ay u arkaan in ay tahay taatiko loogu magac daray "Ninkii Seexdo Sicii Dibi Dhal" oo looga goleeyahay, in xukuumadda ladhiso saq-dhexe, kadib markii la hubsado in ay hurdo lac-dhaheen, rag laga balan qaaday in loo magacaabo jago, si booskooda loogu bedelo rag ay gacan-saar leeyihiin dhinacyada ku gorgortamaya siyaasadda dalka (Ra'iisal wasarayaasha & Madaxweynaha).

 Raisalwasaarihii xilka baneeyay MD.C/wali Sh Axmed ayaa il-furay arrintan,markii lagu waa bariistay xukuumad dhalatay saqdii dhexe ee habyenimo, waxaa sidoo kale raad-raacay ninka uga danbeeyay xilka xafiiska, Raisalwasaraha hadda jira MD. CCC Sharmaarke, markii sidoo kale uu dhisay saq-dhexe xukuumaddii dhicisoowday, isla sidoo kalena hadda ayuu mar labaad cishaha dabadii soo dhisay xukuumadiisa cusub.


 Ugu danbeyn; ujeed waliba hayeesho xiliga dhismaha xumadduye, waxa ay muhiimadu tahay in aysan noqon xukuumadahani kuwa hidda raaca xilga ladhisay oo ah xilli hurdo; waa in ay u guntadaan sidii ay ugu hawl-gali lahaayeen maalin cusub oo u dhalata Soomaaliya. By/Adam Hussein

Comments

Popular posts from this blog

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

"Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa" oraah fac-weyn  ayaa tiri. Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda waxa ay noqon karaan cudud anan la loodin karin.

Wadamo soo hayo wadadii Soomaaliya

Liibiya : Horaantii 2011ka ayaa waxaan daawanayahay tasriix ay bixisay Helary Clinton oo ahayd Xog. Arr. Dibadda ee Maraykanka waxay tiri:" Waxaan ka (walwal)-sanahay in Libiya ay noqon doonta Somaliya weyn! . Hadalkasi wuxuu si cad u muuqdaa maantay markii la eego xaaladda siyaasadeed ee ka jirta dalkaasi.   Sidoo kale 28, Septemeber Sanaddii 2013 ayaa wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka wuxuu faafiyay qormo ciwaan loogadhigay  "How 5 Countries Could Become 14?" wadamadaasi 5ta ah waa : Suuriyo, Ciraaq, Liibiya,Yemen iyo Sacuudiga. Hadaba qormadaani oo ka mid ah taxane aan ku eegayno xaalladaha siyaasadeed ee dalakaasi, waxaan ku soo qadanaynaa Xaaladda Liibiya: Dorraad magaalada caasimada ah ee Tiriibuli waxaa doon ku yimid dawlad lagu soo dhisay magaalada Sekheirat ee dalka Maroco, oo uu madax ka yahay Faiz Siraaj, taasoo ay aqoonsantahay QM, hase ahaatee hadda waxaa magaalada caasimadda ah gacanta ku haysa Xukuumad kale oo uu hogaaminayo Kh

صالح والرقصة الأخيرة.. على رؤوس الثعابين.

سيرة حياته حافله على الكثير من الأدوار والمواقف المتناقضة جسدت طراز زعامته وسلوك حياته السياسية التي كانت عباره عن مسلسل طويل من التحالفات ثم الانقلاب علي تلك التحالفات عندما يشعر بالقوة، لكن تحالفه الأخير مع الحوثيين كان خاتم تحالفاته؛  بل وآخر رقصة أنهت مسيرته السياسية وحياته. إنه علي عبد الله صالح صاحب نظرية "الرقص على رؤوس الثعابين" والذي شبه حكم اليمن الرقص على رؤوس الثعابين فجعل من نفسه "ساحرا" لتحقيق ذلك فأحكم قبضته على اليمن حتى بعد تنحيه عن الحكم، عقب موجة احتجاجات ضد حكمه الذي استمر ثلاثة عقود حيث بقي لاعبا رئيسيا في أحداث اليمن حتى بعد خروجه عن السطلة أواسط ٢٠١١م. نشأته : ولد علي عبدالله صالح عام 1942 في قرية بيت الأحمر التابعة للعاصمة صنعاء ولم يلق تعليما نظاميا. فقد بدأ دراسته في كتاب قريته وعندما بلغ السادسة عشر انضم إلى القوات المسلحة، وواصل الدراسة أثناء الخدمة في الجيش. وكان صالح من بين العسكريين الشباب المسؤولين عن التخطيط لانقلاب السادس والعشرين من سبتمبر/ أيلول عام 1962 وتنفيذه. وجرت ترقيته في عام 1963 إلى رتبة ملازم ثان ثم تدرج با