Madashii Istanbuul waxaa lagu taageeray habka 4.5 ka oo ay horaantii bishii January isku afgarteen dhinacyadii ku jiray Madasha Qaran (madaxda Federalka iyo kuwa maamulada) , markii laga reebo Somaliland iyo Punland oo baanaanka ka istaagtay, si toos ahana uqaadacday inay qeyb kanoqto hab doorasho lagu jaanjooyay qayb qabiileedka 4.5-ka, waxa ayna sabab uga dhigeen madaxda Puntlan in habkani uunan uqalmin rabitaanka bulshada ku dhaqan Punland oo doonaysa doorasho hab deegaan ah.
Dadaallo
badan oo ay ku bixiyeen, wakiilada ururada QM, MA ,dublamaasiyiin ree galbeed
ah iyo waliba qaar kamid ah dalalka dariska ah inay kuqanciyaan Puntland habka doorashada ee 4.5ka ayaanan waxba
kabadelin go'aanka Punland oo umuuqada mid cad oonan kalaabasho lahayn. Waxaana
la'oran karaa go'aanka ay qaadatay Punland waa mid ay ku xeerantahay khatar
badan oo wiiqi karta midnimada iyo qaranimada Soomaliyeed, hadii aysan madaxda
Somalidu si xilkasnimo leh isula lafagurin sidii ay xal maangal ah uguheli-lahaayeen
arrintaas.
24tii bishaan Feebarayo waxaa soo xirmay shirkii
Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ee uu marti-galiyay madaxweynaha dalka
Turkey-ga mudane Erdogan , waxaana ka qeybgalay madaxda Dawladda Federalka ah, madaxada maamul goboleeyda, wakiilo kasocday 46 dal iyo 11 urur oo caalami ah. Hayeeshee
waxa anan imaanin madaxda Puntlnad oo
lagu casuumay shiraaksi, iyada oo madaxweynaha Puntland uu udhoofay Washington
halkii madashuna ahayd Istanbul.Taasina waxa ay tusaale cad utahay sida ay
Puntland uga biyo-diidsantahay hanaanka doorasho ee lagu taageeray Turkeyga.
Dhanka kale waxa iyadana gabi ahaanba goobta shirka kamaqneyd Somaliland oo ah
actor kamid ah dhinacyada siyaasadda Somaliya.Iyadoo anan lagu xusin bayaankii
ay soosaareen dhinacyadu arrinta Somaliland iyo sida looga qeybgalinayo
deeganada hoosyimaada doorashooyinka 2016.
Kamaqnaashada
Puntaland ee madaxsha shirka waxa ay ahayd mid siweyn looga dareemayo goobta shirka guud ahaan iyo
qiimaha nuxurka kasoobaxay gaar ahaan, iyada oo kasooqeygalyaashu ay
bayaankooda kuxuseen hadal laga
dhadhasankaro in aysan qabsoomi Karin doorashooyin loodhanyahay hadii madaxda Federalka iyo kuwa maamuladu aynan
kashaqeyn sidii ay Puntland ugu qancin lahayeen arrinta doorashada, waxaana
ladhihi karaa arintaasi waa masuuliyad culus oo beesha caalamku ay dusha
usaartay madaxda Soomaalida, xilli ay iyaduba ka gaabisay qancinta Puntland.
Guud
ahaan markii la'eego nuxurka bayaankii laga soosaaray shirkii Istanbul oo
kakoobnaa 33 qodab, ayaa waxa ugu muhiimsanaa waxyaabihii diiradda lasaaray arrimaha
Xuquuqul Insaanka, kaqeybgalinta dumarka iyo dhalinyarada siyaasadda dalka,
hufanaanta maamulka, dhismaha hay'adaha dawladda. Sidoo kale waxa kaqeybgalayaashu
ay udaadageen faaqidaada arrimaha siyaasadda, doorashooyinka iyo waliba
habdhismeedka maamul ee nidaamka siyaasadeed dalka guud ahaan uu yeelanayo
doorashooyinka kadib. Bayaanka ayaa
sidoo kale loogu baaqay dawladda federalka iyo maamul goboleedyadu inay
kashqaeeyan sidii ay Puntland ugu qancinlahayeen arrinta doorashooyinka.
Maxaa
Xal Ah?
Xalka
waxa uu kujiraa gacanta madaxda Somalida oo ay ugu horeeyaan kuwa xukuumadda
federalka ah, waxaana lagudboon in ay si indheergaradnimo ah uwajahaan
arrintaan.
Madaxda
Puntland waxa ay kutaaganyihiin lahayn dib unoqosho anan lahayn, sidaa
daraadeed waxa hogaanka mubaadaradu uu haatan gacanta ugu jiraa madaxa dawladda
federalka ah , waxaana haboon in ay layimaadaan biseyl siyaasadeed oo ay kumaareeyaan
arrinta Puntland.
Waxa
aan qormadan kusoo jeedinaynaa talo iyo aragti ku aadan sida loogu qancin karo
Puntland doorashooyinka 2016-ka, oo aan aaminsanahay haddii laqaato in ay tahay
xal dhexdhexaad iyo maangal ah:-
Maadaama ay suurtagal noqon weyday in ay
kaqabsoonto doorsho qof iyo cod ah gobolada iyo deegaanada dalka ee dhinaca
koofureed, sababo badan owgood oo ay ugu horeeyaan nabadgalyo-xumo iyo maamulka
dawladda oonan katalin deegaanadaas intooda badan, waa in latixgalyo rabitaanka
dadka kunool deeganada Puntland oo ay kajirto daganaasho siyaasadeed oo
suurtagalinayo in dadka deeganku ay hab dimoquraadi ah usoo doortaan xubnaha
baarlamaanka.
Sikale hadii aan udhigno Puntland waxa ay
sibuuxda ugatalisaa markii lagu daro qeybo kamid ah gobolka Mudug, labada gobol
ee Bari iyo Nugaal, hadii doorashada lagu saleeyo hab degmo iyada oo laraacayo
demooyikii qeybin mamuleedkii dawladdii dhexe, tirada degmooyinka ay maamusho
Puntland waxa ay noqonayaan 14 degmo. Haddii sadex iyo tobankaasi degmo
looqoondeeyo inay kasoo baxaan min labo xildhibaan waxa ay noqonan wadarta guud
ee tirada xildhibaanada (28mudane) taasi
oo ah in kudhaw tirada xildhibaanada ee ay haataan 4.5ka kuhelaan qabiilada
kudhaqan deeganadaas. Arrintaasina waxa ay xal unoqneysaa kala aragti
fogaashaha udhaxeeya labada dhinac, iyada oo dhanna lahergalinayo doorasho hab
deegan ah oo ay dadka deegaanku doortaan
,dhanka kalena lagu jaanjooynayo tiro laqorsheeyay.
Upresaccon-da Jenny Love Here
ReplyDeleteohvarnobeg
0arorjuncro George Strickler Link
ReplyDeleteAny Video Converter
software
PDF24 Creator 11.4
ulpleasransre