Maalinta khamista ah ee soo socota; marna la mid ma noqoneyso kuwii sanadihii 2013 iyo 2015kii, oo Laba mar oo hore Sh Axmed Islam uu si iskii ah isugu caaleemo saaray magaala xeebedka Kismaayo madaxweynaha Dawladda Jubbaland!. Labada goorood, oo ay Axmed kaalmeysay duruufo iyo xaalado siyaasadeed oo dalka ka jiray; kuwaasi oo haatan ay sua'al ka tagaantahay in ay sidoodii yihiin iyo in kale.
Waxaan qormadaan ugu kuurgelayna xaaladda jubbooyinka ka tagan.
Yaa dhisay Jubbaland?
Jubbaland waa magaca siyasaded ee haatan dad badan u yaqaanan Gobalada Gedo & labada Jubbo, magacbixinta iyo dhismaha maamul goboleedkani; marna ma ahayn mid lagu heshiiyay. Wuxuu ku dhashay kuna hana qaaday kedis uu gadaal-socday culeys iyo faragelin shisheeye. Si kooban maamulkani aya sidii roobala-dhaca mar qura dhashay kadib soo gellitaankii ciidamada XD-Kenya oo dabayaqaadii 2011 kii soo galay qeyba badan oo kamid ah deeganada jubbooyinka ee koofta Soomaaliya.
Waxay arrinta faragelintu khilaaf iyo kala aragti duwanasho ka dhax-dhalisay maamulkii xiligaa jiray ee madaxweyne Sh Sharif; oo si adag isagu uga soo horjeestay faragelinta military ee kenya; halka raysalwasarihiisa Cabdiwali M.Gaas uu soo dhaweyay una arkayay arrin dan u ah Soomaaliya.
Xaaladdaasi ismarin waaga ah ee u dhaxeysay maamulkii Muqdisho ka jiray; ayaa dhanka kale waxaa amarwaqic(de' faćto) noqonayay maalinba maalinta xigta joogitaanka ciidanka Kenya, oo ku guuleystay gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Kismaayo. Waxaa sidoo kale sii dhamanayay daqiiqadaha uga dhiman muddada taliska maamulkooda oo uu si cad u qeexayay Road Map kii iyo marxaladdii kala guurka.
Arrin kale oo u baahan in la xasuusnaado; ayaa ah soo gelitaanka ciidanka Kenya waxaa hareersocday ol'ole siyasaded oo aad u xoogganaa; kaasoo ay hormuud ka ahayeen siyaasiyiin u dhashay dalka Kenya oo ay kamid ahayeen: Yusuf Xaaji oo ahaa Wasiirka Gashandhigga Kenya & Faraax Maalin Daware oo isagana ahaa G.Golaha Shacabka Kenya. Waxana doodihii Farax ka mid ahaa halkudhagga caanka ahaa ee in " Dhoobley" aan mardanbe laga maamuli doonin Muqdisho. Hadalkani kuma caddeyn in Faarax ku qeexayay u jeedada fog ee faragelinta dalkiisa iyo qorshaha istiraatiijiyadeed ee gundhigga u ah faragelinta ciidanka Kenya iyo ; in ay ku koobneyd dareen isaga ku gaara. Waa haddii siyaasaddu leedahay dareen gaara!
Iyada oo xaaladdu wali sidaas tahay ayaa waxaa dhamaaday xiliggi dawladdii M.S. Sharif iyo marxaladdii ku-meelgaarka intuba; waxana madaxweyne loo doortay Xasan Sh Maxamuud. Way adagtahay in qof ku cusub siyaasadda Soomaaliya si dhaqso ah ku fahmo galalka culculus iyo shaxda murugsan ee Soomaaliya; hase ahaatee arrinta Kismaayo iyo ciidanka Kenya joogitaankiisu waxay ahayd qodax ku fogaatay kallida Soomaaliya oo ay adagtahay in la siibo, xilligii uu yimid MXS.
Durbadiiba waxa ka horyimid dahaarka adag ee ka sameysmay dooxda Jubba; markii uu damcay in uu gacantogaaleeyo arrimaha jubboyinka. Axmed oo ay hareeraha ka joogaan taangiyada XD-Kenya aya mar qura ka soo muuqday magaalada isbedbedlka badan ee Kismaayo. Waxaa si xawli ah ku bilowday ol'ole lagu shegay in maamul loogu sameynayo deeganada Jubbooyinka. Waxaa isbarbar socday laba aragti oo kala huwanaa magacyo dhaman lagu soo karkariyay Hotelada magaalada Nairobi oo waayadaasi ahayd hoyga siyaasiyiinta Soomaalida.
Koox huwan go'a Azaaniya oo doonaya in magacaan loogu wanqalo cunugga la filayo iyo garab kale oo iyagu horey u sii ogaa in magacu noqon doono Jubbaland aya magalada Kismaayo wadajoogay; hase ahaate dhamantood waxa ay ahaayeen dhagaxyo magoogan kudaha shaxda ay wada ciyaarayaan labada saaxiib ee Kenya iyo Ethiopia. Inkastoo jubboyinka military ahaan ay kenyatigu joogeen; hase ahatee Ethiopiankuna waxa ay aad ugu dhuundalooleen arrinamaha Jubboyinka in ka badan Kenyatiga.
Doorasho ayaa la qabanaya aya laga warhelay; iyada oo aan dadka deegaanka wax tala iyo teela midna aan lagu wargelin. dadka deeganka waxa ay la mid ahaayen qof khasab ku saxiixaya lahaanshada hantidiisa gaarka ah, isaga oo aan garanaheyn cidda qasbaysa iyo sababta hantidiisa loo boobayo, waxa aan ka ahayn dareenka uu qabi lahaa qofkii ay qabsato xaaladda noocani oo kale ah.
Dib u heshiisiin iyo geeddisocod siyaasadeed midna iyada oo aan la marsiin ayaa fool-dedejiso lagu duray! Umulisadii iyadu hore ayay diyaar u ahayd.
Waxa laga war helay; subux wax badan aan ka duwaneyn subaxyadii Reer Dhoobeegu, hase ahaatee wax badan masiirkooda ka bedashay in; doorasho dhacday madaxweynana loo doortay Ahmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Arrintaa waxaa si isku mida uga biyo diiday Dawladda Federalka iyo garbihii mucaaridka oo dhamaan qaadacay; halka qaarkood ku dhawaqeen in yihiin madaxweyna yaal.
Iyada oo aad moodda in dhinacyadan ka soo horjeday Axmed ; oo ay ku jirtay dawladda Federal ku aysan lahayn wax qorshe ah iyo faham cad ah oo ku aadan arrinta meesha taal ayaa dhinac Axmed oo garabsanaya saaxiibadiisa ay dantu isaga ku kulmisay waa Kenya Ethiopia-e, uu si dhaqsa ah u qaaday talaabooyin horey looga soo baaraan degay oo dhamaanba diyaarsana. Waxaa magaalada xoog kula wareegay maleeshiyaad daacad u ah isaga oo taagera isku mid ah ka helayay labada dawladood ee dariska ah. Ciyaartuna hadda dhan bay u badatay!
Ogolaashadii Meherka ka dib
Loolan iyo hardan dheer ka dib arrintu waxay u gudubtay dhanka diblomaasiyadda; military iyo gacan ku haynta ku dhulka waxaa ku gacan sareyay dhinaca Axmed. Sida aalaaba ay tahay marka la falanqeynayo arrimaha wadahadallada iyo xallinta muranada; miiska wadahadalku waxa uu ka tarjumaa waxa ka jira fagaaraha iyo furimaha dagaalka.
Cadaadis badan oo labada dawladood ee dariska ahi ay saareen maamulkii curdunka ahaa ee Madaxweyne XSM; waxay dawladda Federal ku aqoonsatay wixii Kismaayo ku dhashay, waxaana halkaa warqad dhalasho iyo kaar aqoonsi helay maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa Sh Axmed Maxamed Islaam. Waxay ahayd guul buuxda oo dhinaca Axmed uu ku helay wax kasta oo uu dalbanayay; halka dhanka Federal ka looga meyray waji-gabaxii heysaty.
Dib-Isu-Doorashadii:
Sida uu dhigayay heshiiskii Adis Abab ee dhexmaray dawladda Federal ka ah iyo maamulka Axmed Madobe in; doorasho la qabto muddo laba sano ah kadib waxa bishii August 2015kii mar kale lagu doortay Axmed Madobe, doorasho ay dood badani ka jirtay hufnanateda.
Si kastaba ha ahaatee, qodabadii heshiiska Adis wax badan kama uusan fulin maamulkii Axmed dib isu doorashadiisi ka dib; isaga oo gabi ahaanba aan waxba ka qaban arrinta dib u heshiisiinta oo laf-dhabar u ahayd heshiiska. Dhanka kale daadejinta maamulka iyo xoreynta degaanada kale iyaduna waxba lagama qaban 7sano kadib dhismaha maamulkaasi.
Saadaashada Hadda
Sida muuqata 7sano kadib; Sh Axmed Madobe waaya aragnimadiisa siyaasadeed waxay u egtahay mid aan helin bisaylkii looga baahna, waxa uu ciyaarayaa shax uusan hubin dhamaadkeeda isaga oo adeegsanaya taatikooyin uu horey u soo adeegsaday. Sidaasi darteed way adagtahay in wax waliba sidii hore ku socdaan. Waxaa sidoo kale aan maangal ahayn in bulshada lagu maaweelin karo indhosarcaad hal nooc ah.
Haddii uu ku adkeysto isdoorashada barrito khamoista ahi; marna miraheedu la mid ma noqon doonto kuwii sanadihii tagay.
Dhab ahaan; waxa kaliya ee aan isbedelin waa hiilka iyo taageerada dawladda Kenya u hayso maamulkiisa; oo hadda ka sii xoogan sidii ay ahayd iyada oo la eegayo cimilada siyaasadeed ee jirta haatan. Taageradani ma noqon karto mid caafimaad qabto; waxayba horseedi kartaa cayrtinimo siyaasadeed iyo sumcadxumo.
Haddii ay Kenyanku u arkaan Jubbaland meel ay ka difacaan danta qarankooda iyo arrinta muranka xuduud baddeedka ee kala dhageyso Soomaaliya, wax dan ah uguma jirto Axmed Madobe oo noqon kara oday Soomaliyeed in uu dugaashado dad eedeysanayaal ah. Mana jirto sabab maangal ah oo ku qasbi karta in uu garab ka raadiyo; haddii uusan shuraka kula noqoneyn ujeedooyinkooda gurracan.!
Ugu danbeyn, waa in dhinacyada Soomaalidu fahmaan in ay iyagu danta ka wada go'do. Dawladdu federalku waxay leedahay bixinta sharciyadda iyo dhawrista madaxbanaanida qaranka; hase ahaate taasi ma noqon karto wax ay dawladdu ku damaanad qaaddo hubanti kadhigista fulidda awoodeeda.
Dhab ahaan; arrinta suasha u bahan ayaa aha ; in arrinta Jubbaland ku jirto gacmaha iyo deyrka qaranka Soomaaliyeed iyo in kale! Waxaana muhiim ah in doorashadani aysan noqon goob siyaasadeed oo dhinacyadu ku soo bandhigaan dhoolatuska diyargarowga 2020ka; ee loo bandhigo danta qaranka.
Abdirahman Issa Osman Ahmed Mohamed Abdi Yusuf Cali Somali Ahmed Afi Xasan Cabdisamad
Comments
Post a Comment