Skip to main content

Isbadelka Siyaasadeed ee Sucuudiga iyo Saameynta Gobolka


Aroornimadii arbacada (June 21, 2017) shacabka Sucuudiga waxay ku soo tooseen isbadal cusub oo dalkooda ka dhacay, Kadib markii boqorka dalkaasi uu xilka dhaxalsugaha boqortooyada u magacaabay wiil uu isagu dhalay, wuxuuna xilka ka qaaday wiilka uu adeerka u yahay ee Maxmed Bin Nayef oo xilkaan hayay.

Go’aan boqortooyada soo saartay ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Maxamed Bin Naayif oo ahaa dhaxal sugaha(Ku-xigeenka boqorka) dalka Sucuudiga, laguna bedalay Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka ugu saameynta badan siyaasadda dalkaasi. Maxamed Bin salmaan oo ah wiil uu dhalay boqorka dalka Sucuudiga boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa  hore u ahaa dhaxal-sugaha 2aad, ahna wasiirka gaashaandhigga. Go’aanka ayaa dadweynaha wuxuu farayaa in ay Ballan-ogal la galaan dhaxal-sugaha cusub galabta arbacadda salaadda Taraawixda kadib. Dhanka kale dhaxalsugihii hore Maxamed Bin Nayif ayaa la arkayay isaga oo baycada la galaya dhaxalsugaha cusub ee Maxamed Bin Salmaan.









Maxaa arrintaan ku soo beegay xilligaan?


Ugu horeyn tilaabadan waxay ahayd mid la saadaalinayay, iyadoo waayadan danbe ay jiratay xuuraanta suurtagalnimada in uu isbedel siyaasadeed ku yimaado hanaanka maamulka ee dalkaasi, waxaana jiray warar hoose oo sheegayay loolan awoodeed iyo wadashaqeyn la’aan ka dhaxeysay muddooyonkii danbe dhaxalsugaha xilka laga qaaday iyo ninka hadda lagu badelay. Sidoo kale tilaabadani ma aha mid degdeg loo qaaday ee waa qorshe laga baaraandegay oo si xeeldheer loogu gogal-xaaray.

 Bilawgii sanaddii 2015ka, gaashaanbuur uu Sucuudigu hogaaminayo ayaa duulaan ku qaaday dalka Yemen, hawlgalkaan oo loo bixiyay”Duufaanta soo afmeeridda” ayaa mudda bil ah markii ay socotay si kadis ah u joogsatay, waxaana lagu waa bariistay xil ka qaadis lagu sameeyay mas’uuliyiin heer sare ah oo ay ka mid yihiin dhaxal-sugihii boqortooyada Migrin Bin Cabdicasiib iyo wasiirkii arrimaha dibadda Faysal Bin Cabdicasiis iyo rag badan oo taliska qoyska boqortooda ah oo intooda badan diidanaa hawgalkaan. Maamulkii iyo taladii siyaasadeed ee dalkuna waxa ay yeelatay waji cusub; iyada oo ka gudubtay habkii dumaasha ahaa ee jiilka kowaad (wiilasha uu dhalay boqorkii dalka asaasay) waxayna taladu u gudubay jiilka labaad oo ah wiilasha ay dhaleen ilma Cabdicasiis. Waxaana markii ugu horeeysay xilka dhaxalsuganimada loo magacaaabay Maxamed Bin Naayif oo ahaa wiil uu dhalay ina Cabdicasiis ku xigeenka labaadna waxaa noqday Maxamed Bin salmaan.  
Arrintani waxay u sii gogalxaartay talaabada uu haatan qaaday boqorka Sucuudigu oo ah in wiilkiisu uu garoonku sallaxmay; maxaayeelay waxay meesha ka saaratay xukun isku koobistii jiilka kowaad ee odayaasha ahaa, sidoo kalena waxay awoodo siyaasadeed oo dheeri ah siisay Maxamed Bin Salmaan si uu tartiib u la wareego arrimaha talada dalka.

Dhanka kale tallaabadan waxay ku soo beegmaysaa xilli xiisad diblomaasiyadeed ay ka jirto mandiqada khaliijka; taasoo ka dhalatay xiriir-goynta diblomaasiyadeed ee ay dalka Qadar ku sameeyeen qaar ka mid ah wadamada Gacanka Khaliijka iyo wadamo carbeed ee kale. Waxaana la filayaa kala aragti duwaanasho u dhaxeysa hogaanka siyaasadeed ee dalka Sucuudiga oo ku aadan arrinta Qadar in uu qeyb ka yahay xilkaqaadista dhaxalsugahii hore Maxamed Bin Naayif, oo isagu u janjeeray dhanka Qadar. Hayse yeeshee markii la isku soo wada xooriyo muhiimaddu waxay isugu biyoshubaneysaa hergalinta rabitaanka boqorka Sucuudigu oo doonaya inuu goobjooge ka ahaaado warasadiisu oo isaga xukunka kala wareegayso ka hor inta uu san xijaaban, si ay aysan u imaan markuu meesha baneeyo; is qabqabsi iyo loolan siyaasadeed oo meesha ka saari lahaa wiilkiisa maadaamo uu ahaa ku xigeenka labaad.

Sameynta ay Arrinta ku yeelanayso Siyaasadda Gobolka

Dhab ahaantii way adagtahay in la saadaaliyo habdhaqanka hogaamineed ee ay yeelanayso dawladda Sucuudiga ee soo socoto; habka ay ula dhaqmi doonto saaxiibadeeda gobolka iyo kuwa caalamka intuba. Ha yeeshee waxaa jirto arrin sugan oo aan mar waliba is badali doonin taasoo ah xurgufta Sucuudiga iyo Iraan u dhaxeysa oo la filayo in ay waji cusub yeelan doonto mustaqbalka, gaar ahaan markii la qiimeeyo habdhaqanka hogaanka cusub ee Sucuudiga yeelanayso oo ku tilmaan waaya-aragnimo la’aan siyaasadeed iyo salfudeyd. Dhinaca kale xiisadda ka dhex jirta wadamada khaliijka uma muuqaneyso in ay shamsaasi doonto maadaamo ay sii xoogeysanayso saameynta garabka ka dhanka ah Qadar oo ay hogaaninayaan Maxamed Bin Salmaanka Sucuudiga iyo Maxamed Bin Saayidka Imaaraadka.

Labadaan nin oo ah dhalinyaro ku cusub noolasha siyaasadda iyo luuqyadeeda ayaan iyagana la ogeyn sida ay uwada socon doonaan iyo mudada ay gaari doonto wadashaqeyntooda; iyada oo ay jiraan arrimo badan oo isku murugsan oo gobolka ah kuwaasoo u baahan in la iska kaashado; uguna horeeyso hawgalka Yemen oo meeshiisi taagan walina wax natiija ah laga gaarin, arrimaha Suuriya, xasillinta Liibiya iyo waliba dib u nabadenta guriga Khaliijka oo ay xiisada gudihiisa ka oogantahay.







Comments

Popular posts from this blog

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

"Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa" oraah fac-weyn  ayaa tiri. Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda waxa ay noqon karaan cudud anan la loodin karin.

Wadamo soo hayo wadadii Soomaaliya

Liibiya : Horaantii 2011ka ayaa waxaan daawanayahay tasriix ay bixisay Helary Clinton oo ahayd Xog. Arr. Dibadda ee Maraykanka waxay tiri:" Waxaan ka (walwal)-sanahay in Libiya ay noqon doonta Somaliya weyn! . Hadalkasi wuxuu si cad u muuqdaa maantay markii la eego xaaladda siyaasadeed ee ka jirta dalkaasi.   Sidoo kale 28, Septemeber Sanaddii 2013 ayaa wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka wuxuu faafiyay qormo ciwaan loogadhigay  "How 5 Countries Could Become 14?" wadamadaasi 5ta ah waa : Suuriyo, Ciraaq, Liibiya,Yemen iyo Sacuudiga. Hadaba qormadaani oo ka mid ah taxane aan ku eegayno xaalladaha siyaasadeed ee dalakaasi, waxaan ku soo qadanaynaa Xaaladda Liibiya: Dorraad magaalada caasimada ah ee Tiriibuli waxaa doon ku yimid dawlad lagu soo dhisay magaalada Sekheirat ee dalka Maroco, oo uu madax ka yahay Faiz Siraaj, taasoo ay aqoonsantahay QM, hase ahaatee hadda waxaa magaalada caasimadda ah gacanta ku haysa Xukuumad kale oo uu hogaaminayo Kh

صالح والرقصة الأخيرة.. على رؤوس الثعابين.

سيرة حياته حافله على الكثير من الأدوار والمواقف المتناقضة جسدت طراز زعامته وسلوك حياته السياسية التي كانت عباره عن مسلسل طويل من التحالفات ثم الانقلاب علي تلك التحالفات عندما يشعر بالقوة، لكن تحالفه الأخير مع الحوثيين كان خاتم تحالفاته؛  بل وآخر رقصة أنهت مسيرته السياسية وحياته. إنه علي عبد الله صالح صاحب نظرية "الرقص على رؤوس الثعابين" والذي شبه حكم اليمن الرقص على رؤوس الثعابين فجعل من نفسه "ساحرا" لتحقيق ذلك فأحكم قبضته على اليمن حتى بعد تنحيه عن الحكم، عقب موجة احتجاجات ضد حكمه الذي استمر ثلاثة عقود حيث بقي لاعبا رئيسيا في أحداث اليمن حتى بعد خروجه عن السطلة أواسط ٢٠١١م. نشأته : ولد علي عبدالله صالح عام 1942 في قرية بيت الأحمر التابعة للعاصمة صنعاء ولم يلق تعليما نظاميا. فقد بدأ دراسته في كتاب قريته وعندما بلغ السادسة عشر انضم إلى القوات المسلحة، وواصل الدراسة أثناء الخدمة في الجيش. وكان صالح من بين العسكريين الشباب المسؤولين عن التخطيط لانقلاب السادس والعشرين من سبتمبر/ أيلول عام 1962 وتنفيذه. وجرت ترقيته في عام 1963 إلى رتبة ملازم ثان ثم تدرج با