Skip to main content

Wadamo soo hayo wadadii Soomaaliya

Liibiya: Horaantii 2011ka ayaa waxaan daawanayahay tasriix ay bixisay Helary Clinton oo ahayd Xog. Arr. Dibadda ee Maraykanka waxay tiri:" Waxaan ka (walwal)-sanahay in Libiya ay noqon doonta Somaliya weyn! . Hadalkasi wuxuu si cad u muuqdaa maantay markii la eego xaaladda siyaasadeed ee ka jirta dalkaasi. Sidoo kale 28, Septemeber Sanaddii 2013 ayaa wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka wuxuu faafiyay qormo ciwaan loogadhigay "How 5 Countries Could Become 14?" wadamadaasi 5ta ah waa : Suuriyo, Ciraaq, Liibiya,Yemen iyo Sacuudiga. Hadaba qormadaani oo ka mid ah taxane aan ku eegayno xaalladaha siyaasadeed ee dalakaasi, waxaan ku soo qadanaynaa Xaaladda Liibiya:

Dorraad magaalada caasimada ah ee Tiriibuli waxaa doon ku yimid dawlad lagu soo dhisay magaalada Sekheirat ee dalka Maroco, oo uu madax ka yahay Faiz Siraaj, taasoo ay aqoonsantahay QM, hase ahaatee hadda waxaa magaalada caasimadda ah gacanta ku haysa Xukuumad kale oo uu hogaaminayo Khaliif Guweil ninka la yiraahdo oo ay taageerayaan maleeshiyada "Foogta-Liibiya" oo dhinac ah iyo maleeshiyo kooxeedyo kale oo kala aragti duwan(kooxda Ansaar Sharia iyo Golaha Shuurada Liibiya.)
Waxaa sidoo kale jira Labo Baarlamaan oo uu midi saldhigiiisu yahay magaalada Dubruq ee bariga Liibiya, barlamankaasi hada wuxuu taageeray Xukuumadda Mudane Siraaj, halka midka kale oo uu fadhigiisu yahay caasimadduna uu taageersanyahay Khaliif Guweyl.Tani waxay aad ugu egtahay xaaladdii Soomaaliya ee xilligii Cali Mahdi.

Dhanka kale General Khliif Xaftar oo ah Caydiidka Libiya oo haysta ciidamo xoog badan ,doonayana in dalka uu isagu xukumo ayaa ka mid ah dhinacyada diidan xukuumadda Mudane Siraaj. Sidoo kale waxaa iyana jira jabhado dhafoorqiiq miiran ah oo isugu jiro kooxo diimeedyo ay ugu horreeyaan Daacish iyo Ansar Al-sharia iyo kuwa qabiileed oo ku loolamaya hogaanka siyaasadeed ee dalkaasi. Tanina waxay aad ugu egtahay qaabkii Jabhadiihii Somaliya ee isugu jiray waadadadii Al-Itixaad iyo maleeshiyooyinkii kale.

Markaanu milicsano xaalladaha rabshadaha iyo fawdada siyaasadeed ee ka jirta mandiqada bariga dhexe iyo Badda Mediterranean-ka waxaa maalin maalinta ka danbeyso soo ifbaxayso muuqaalka qorshaha qeybinta ah ee mandiqadaani ku soo foolka leh. Kasoo ay hormuud ka yihiin awoodo goboleed iyo kuwa dawli ah dirba. Liibiyana waxay kaalinta hore uga jirtaa wadamada kala qeybinta qatarta ugu jira.

intaan isha ku hayay xaaladaha siyaasadeed ee wadamada Carabta waxaa aad iigu muuqatay in dalka Libya uu yahay wadanka ugu mustaqbalka madaw, markii la fiiriyo murugsananta arrinta dalkaasi iyo sida caalamku u gacan bidixeeyay la tacaamulka iyo wax ka qabashada qaddiyadda Liibiya, waxaadna moodaa in caalamku uu dusha sare ka eeganayo liibiyaanka oo midba kan kale dooxayo sidii Soomaalida ku dhacday.

Liibiya waxaa ka hulayo dab, hase ahaatee qiiqiisu uma muuqda sida midka Suuriya oo ay dunida oo idil isugu soo xoontay iyadoo qola kastaba ay wadato ajande ka duwan kuwa kale. Arinta Liibiyana maysan helin daneyn caalami ah markii la barbardhigo , Suuriya iyo Yemen. labadani dal ee ugu danbeeyo ayaa iyaguna ay ka jirtaa xaalad daganaasho siyaasadeed la'aan aad u xun, waxaana ku soo qaadan doonaa qormaayin kale.  


Comments

Popular posts from this blog

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

"Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa" oraah fac-weyn  ayaa tiri. Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda waxa ay noqon karaan cudud anan la loodin karin.

صالح والرقصة الأخيرة.. على رؤوس الثعابين.

سيرة حياته حافله على الكثير من الأدوار والمواقف المتناقضة جسدت طراز زعامته وسلوك حياته السياسية التي كانت عباره عن مسلسل طويل من التحالفات ثم الانقلاب علي تلك التحالفات عندما يشعر بالقوة، لكن تحالفه الأخير مع الحوثيين كان خاتم تحالفاته؛  بل وآخر رقصة أنهت مسيرته السياسية وحياته. إنه علي عبد الله صالح صاحب نظرية "الرقص على رؤوس الثعابين" والذي شبه حكم اليمن الرقص على رؤوس الثعابين فجعل من نفسه "ساحرا" لتحقيق ذلك فأحكم قبضته على اليمن حتى بعد تنحيه عن الحكم، عقب موجة احتجاجات ضد حكمه الذي استمر ثلاثة عقود حيث بقي لاعبا رئيسيا في أحداث اليمن حتى بعد خروجه عن السطلة أواسط ٢٠١١م. نشأته : ولد علي عبدالله صالح عام 1942 في قرية بيت الأحمر التابعة للعاصمة صنعاء ولم يلق تعليما نظاميا. فقد بدأ دراسته في كتاب قريته وعندما بلغ السادسة عشر انضم إلى القوات المسلحة، وواصل الدراسة أثناء الخدمة في الجيش. وكان صالح من بين العسكريين الشباب المسؤولين عن التخطيط لانقلاب السادس والعشرين من سبتمبر/ أيلول عام 1962 وتنفيذه. وجرت ترقيته في عام 1963 إلى رتبة ملازم ثان ثم تدرج با