Skip to main content

Dhaqan-xumada Siyaasadeed: waa maxay?


Labada magac-uyaal ee "Qaran" iyo "Qabiil" waa sida " Madax" iyo "Minjo" oo kale, haddii ay minjuhu ka sara maraan madaxa. Qofku ma saan qaadi karaa? waa may. Waa sidaas oo kale markii danta qabiiladu ay ka kor marato midda qaranka!!.Qabiilka oo Qaranka laga sarreysiiyo waa dhaqan-xumo siyaasadeed.

Talada iyo hoogaamintu waa xaq ay bushadu u wada simantahay, waxaana lagu muteystaa in loo cagatamo oo iyada oo marqaati looga wada yahay uu qofkii laaqi u ah ku soo baxo . Mar Haddiise qofka lagu doorto musuq ama waa ina adeerkay mudnaan lagu siiyo midaasi waa dhaqan-xumo siyaasadeed.

Kooxda ciyaartooyda ah markii ay garoon ku dheelayaan waxay dadweynuhu ugu sabacabo-tumaan ciyaar wanaagooda waa wadarta ay u ciyaarayaan. Hadiise uu mid qura marooqsado kubada sabac laguma maamuuseen. Waxaa sidaasi ka dhigan in mid qur ah uu hogaanka iyo talada marooqsado inta kalena meel ku xiro, dabeedna yiraahdo aniga kali ah ayaa meesha macalin ka ah. Digtaatooriyada & Talo marooqsigu waa dhaqan-xumo siyaasadeed.

Shaqooyinka, Jagooyinka, iyo xirfadaha kale dhamaan hadba, dadka loo igmanayo waxaa lagu xushaa sida ay mundnaan ugu kala leeyihiin. Hadiise midkii meel loo dhiibayo lagu jaangooyo kee baan hadalkayga daba mareyn waxna igu diidayn?, kee baa Nacam ii dhihi?, iyo kee baan aniga waxba i dheerayn? intuba waa dhaqan-xumo siyaasadeed.

Hogaamintu waa hawl u baahan kala danbeyn maamul, is maqal, is tixgalin iyo isla xisaabtan. Mar hadiise ay hawluhu jaantaa-rogan noqdaan oo mid Weyn iyo mid Yar la kala garan waayo waa dhaqan-xumo siyaasadeed.

Isku soo wada duuduub oo:
- Qabiilada oo qaraka lag sarreysiiyo
-Musuq iyo Xigaaleysiga
-Tala-marooqsiga
-Dadka tayada xun oo taliya.
-Is barbab-yaaca
Intaasi oo idil iyo kuwa kale oo ku hoos laaban ayaa ah hoyga dhaqan-xumada siyaasadeed.


Comments

Popular posts from this blog

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

"Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa" oraah fac-weyn  ayaa tiri. Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda waxa ay noqon karaan cudud anan la loodin karin.

Wadamo soo hayo wadadii Soomaaliya

Liibiya : Horaantii 2011ka ayaa waxaan daawanayahay tasriix ay bixisay Helary Clinton oo ahayd Xog. Arr. Dibadda ee Maraykanka waxay tiri:" Waxaan ka (walwal)-sanahay in Libiya ay noqon doonta Somaliya weyn! . Hadalkasi wuxuu si cad u muuqdaa maantay markii la eego xaaladda siyaasadeed ee ka jirta dalkaasi.   Sidoo kale 28, Septemeber Sanaddii 2013 ayaa wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka wuxuu faafiyay qormo ciwaan loogadhigay  "How 5 Countries Could Become 14?" wadamadaasi 5ta ah waa : Suuriyo, Ciraaq, Liibiya,Yemen iyo Sacuudiga. Hadaba qormadaani oo ka mid ah taxane aan ku eegayno xaalladaha siyaasadeed ee dalakaasi, waxaan ku soo qadanaynaa Xaaladda Liibiya: Dorraad magaalada caasimada ah ee Tiriibuli waxaa doon ku yimid dawlad lagu soo dhisay magaalada Sekheirat ee dalka Maroco, oo uu madax ka yahay Faiz Siraaj, taasoo ay aqoonsantahay QM, hase ahaatee hadda waxaa magaalada caasimadda ah gacanta ku haysa Xukuumad kale oo uu hogaaminayo Kh

صالح والرقصة الأخيرة.. على رؤوس الثعابين.

سيرة حياته حافله على الكثير من الأدوار والمواقف المتناقضة جسدت طراز زعامته وسلوك حياته السياسية التي كانت عباره عن مسلسل طويل من التحالفات ثم الانقلاب علي تلك التحالفات عندما يشعر بالقوة، لكن تحالفه الأخير مع الحوثيين كان خاتم تحالفاته؛  بل وآخر رقصة أنهت مسيرته السياسية وحياته. إنه علي عبد الله صالح صاحب نظرية "الرقص على رؤوس الثعابين" والذي شبه حكم اليمن الرقص على رؤوس الثعابين فجعل من نفسه "ساحرا" لتحقيق ذلك فأحكم قبضته على اليمن حتى بعد تنحيه عن الحكم، عقب موجة احتجاجات ضد حكمه الذي استمر ثلاثة عقود حيث بقي لاعبا رئيسيا في أحداث اليمن حتى بعد خروجه عن السطلة أواسط ٢٠١١م. نشأته : ولد علي عبدالله صالح عام 1942 في قرية بيت الأحمر التابعة للعاصمة صنعاء ولم يلق تعليما نظاميا. فقد بدأ دراسته في كتاب قريته وعندما بلغ السادسة عشر انضم إلى القوات المسلحة، وواصل الدراسة أثناء الخدمة في الجيش. وكان صالح من بين العسكريين الشباب المسؤولين عن التخطيط لانقلاب السادس والعشرين من سبتمبر/ أيلول عام 1962 وتنفيذه. وجرت ترقيته في عام 1963 إلى رتبة ملازم ثان ثم تدرج با