Skip to main content

Milicsi: Qodobada Heshiiska Kismaayo

Ugu horreyn heshiiska Kismaayo ay kuwada galeen beel kamid ah kuwa deegaanada Jubbooyinka iyo maamulka Jubbaland,  waxaa la oran karaa waa talaabadii ugu horreysay ee maamulkaasi uu u qaado dhinaca dib u heshiisiinta tan iyo markii la dhisay maamulkaas oo  haatan laga joogo ku dhawaad sadex sano(15 may 2013).

Dhanka kale heshiiskani waxa uu ku soo beegmay xilli uu dalku ku jiro u diyaargarowga doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa sharcidajinta(Barlamanka) ee heerka Federaaliga ah iyo waliba iyada oo ay jiraan isbedello dhulka ah oo ay ugu horeyso ka bixitaanka ciidamada Kenya qeyba ka mid ah deegaanada Jubbooyinka, kadib khasaarihii Cel-Cade. Hadaba Waa maxay xiriirka uu heeshkani la leeyahay labadaasi arrimood ee aanu kor ku xusnay? Maxayse tahay sababta soo dadejisay  inay heshiiskani  wada gaaraan dhinacyadii Jubbooyinka isaga soo horjeeday? Maxaase qiima ah uu u leeyahay maamula Jubbaland?
****
Hadii aan dib u milicsao maalmihii tagay iyo mudadii uu jiray maamulka Jubbaland oo ah ku dhawaad sadex sano –hadii laga soo tiriyo markuu Axmed Madoobe hogaanka qabtay-, waxaanu muran ku jirin saameynta siyaasadeed ee uu maamulkani ku yeeshay geedi socodka siyaasadeed ee dalka mudadii uu jiray, hase ahaatee waxaa iyadana xusid mudan in awooddiisa maamul aysan dhaafin gudaha magaalada Kismaayo iyo meelo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, taasina waxaa loo aaneyn karaa sababa badan oo ay ugu weynyihiin khilaafka u dhaxeeyay maamulkan iyo dhinacyadii ka soo horjeeday oo ay ugu horreeyaan siyaasiyiin huwan magaca beesha ay dhawaan heeshiika wada gaareen. Iyo sidoo kale ururka Alshabab oo gacanta ku haya inta badan deeganada hoos yimaado maamulkaasi.

Hadaanu ku horreyno sababta soo dadejisay soo afjarista khilaafka madaxda Jubba iyo dhinacyadii diidanaa maamulkaas, oo la rumeysan yahay inay ugu horeyso waxyaaba ragaadiyay horay u socdka maamulkaasi, waxaa jiray dadaalo si isdaba joog ah u socday  oo looga gollahaa soo af-jarista khilfaaka, tan iyo markii la shaaciyay inuu Axmed Madoobe noqdey madaxweynaha Jubbooyinka horraantii 2013-ka iyo is jiid-jiid kii xigay ee ka dhashay diidmadii dhinacyadii kale inay aqoon sadaan sharciyadda maamulkaasi, hayeeshee dadaaladaasi inta badan waxay ku dhamaanayeen natiijo-darro, mana noqon kuwa dhaliya fursad ay si toos ah isugu hor fariistaan dhinacyada is-haya,  ugana wadahadlaan arrimaha ay isku didanyihiin. Markii laga reebo madashii Goobweyn oo markii ugu horreeyay ku kulmeen madaxda maamulka Jubba iyo Barre Hiiraale,  oo ahaa hogaamiyaha dhinaca ka soo horjeedo. Hayeeshee hishiiskii lagu qaaray Gobweyn ayaan noqon mid soo af-jara khilaafka, in kasta oo uu culeys badan ka qaadey, dariishad uu ka leydhsadana  u furtay maamulka Jubba.
****
Dhanka kale waxaa iyadana marar badan fashalay dadaallo kale oo lagu doonayay in magaalada Kismaayo lagu qabto shirar dib u heshiisiin ah; waxaana sabab u ahaa dhawrkaan arrimood oo markii ay hadda meesha ka baxeen soo dadejiyay in heshiis lagaaro:-
Mida 1aad: Maalmihii uu curdunka ahaa maamulka Axmed Madoobe ma dooneyn inuu heshiis la garaao dhinacyada kasoo horjeedo, si taasi aysan ugu furin inuu yimaado wax wada qeybsi dhab ah oo ahaa waxii uu ka madax-dadbayay. Arrintani hada meesha waa ka baxadey, maamulka Axmed Madoobana waa 3 jirsadey waxuuna noqdey mid Amaral- waaqic ah(fad ama ha fadin).
Midda 2aad: Waxuu ku tashanayay  joogitaan ciidamada Kenya oo uu isku haleenayay inay daafacayaan maamulkiisa iyo inay mustabalka dhaw ka saacidi doonaan qabsashada deeganada dhiman. Taasina waxaa ciid ku shubay qasaarihii Ceel-Cade ku qabsaday ciidamadeeda ee keentay inay Kenyo wax ka bedesho istiraatiijiyadeeda iyo joogitaankeeda Soomaaliya.
Midda 3aad: waa mid uu la wadaago dhinacyada kasoo horjeeday,  oo ah inay garosadeen faa'ida xumada uu khilaafka u leeyahay labadooduba. Inkasta oo maamulka Axmed Madoobe uu dhankiisa ku guuleystay inuu helo aqoonsi siyaasadeed hadana waxuu ku fashalay inuu maamulkiisa baahiyo. Dhinaca kale qoloda kasoo horjeeda iyaguna waxay ku guul darreysteen inay boos ka helaan ciyaarta ciyaasadeed taasoo kaalintooda ku koobtay inay hoteelada Xamar iska harsadaan; sidaasi daraadeed waxaa la dhihi karaa labada dhinacba dan  baa ku kulmisay heshiiska kadib markii uu dhan waliba ciida soo taabtay.
****
Run ahaan qiimaha iyo nuxurka uu u leeyahay heshiiskan maamulka Jubbaland ma aha oo kaliya inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah beelaha ugu saameynta badan deegaanada Jubbooyinka ee waxa uu sidoo kale hishiiskani xaqiijiay hadaf siyaasadeed oo door ah, kaasoo ah aqoonsiga buuxa ee uu maamulkani helay. Dhanka kale waxa uu heshiiskani leeyahay milgo siyaasadeed oo ay ku gorgortami karaan maamulka Jubbaland markii la gaaro doorashooyika August  ee fooda nagu soo haya.

Si kasta oo uu ku yimaadaba heshiisku waa hormar qiima leh, si gaar ahana ay baahi ugu qabto umadda Soomaaliyeed degel kasta oo ay joogtaba, Heshiiska Kismaayana waxaan rajeynayaa inuu noqdo mid dhaqan gali ee aanu noqon waraaq anqaas la mariyay.




Comments

Popular posts from this blog

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

"Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa" oraah fac-weyn  ayaa tiri. Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda waxa ay noqon karaan cudud anan la loodin karin.

Wadamo soo hayo wadadii Soomaaliya

Liibiya : Horaantii 2011ka ayaa waxaan daawanayahay tasriix ay bixisay Helary Clinton oo ahayd Xog. Arr. Dibadda ee Maraykanka waxay tiri:" Waxaan ka (walwal)-sanahay in Libiya ay noqon doonta Somaliya weyn! . Hadalkasi wuxuu si cad u muuqdaa maantay markii la eego xaaladda siyaasadeed ee ka jirta dalkaasi.   Sidoo kale 28, Septemeber Sanaddii 2013 ayaa wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka wuxuu faafiyay qormo ciwaan loogadhigay  "How 5 Countries Could Become 14?" wadamadaasi 5ta ah waa : Suuriyo, Ciraaq, Liibiya,Yemen iyo Sacuudiga. Hadaba qormadaani oo ka mid ah taxane aan ku eegayno xaalladaha siyaasadeed ee dalakaasi, waxaan ku soo qadanaynaa Xaaladda Liibiya: Dorraad magaalada caasimada ah ee Tiriibuli waxaa doon ku yimid dawlad lagu soo dhisay magaalada Sekheirat ee dalka Maroco, oo uu madax ka yahay Faiz Siraaj, taasoo ay aqoonsantahay QM, hase ahaatee hadda waxaa magaalada caasimadda ah gacanta ku haysa Xukuumad kale oo uu hogaaminayo Kh

صالح والرقصة الأخيرة.. على رؤوس الثعابين.

سيرة حياته حافله على الكثير من الأدوار والمواقف المتناقضة جسدت طراز زعامته وسلوك حياته السياسية التي كانت عباره عن مسلسل طويل من التحالفات ثم الانقلاب علي تلك التحالفات عندما يشعر بالقوة، لكن تحالفه الأخير مع الحوثيين كان خاتم تحالفاته؛  بل وآخر رقصة أنهت مسيرته السياسية وحياته. إنه علي عبد الله صالح صاحب نظرية "الرقص على رؤوس الثعابين" والذي شبه حكم اليمن الرقص على رؤوس الثعابين فجعل من نفسه "ساحرا" لتحقيق ذلك فأحكم قبضته على اليمن حتى بعد تنحيه عن الحكم، عقب موجة احتجاجات ضد حكمه الذي استمر ثلاثة عقود حيث بقي لاعبا رئيسيا في أحداث اليمن حتى بعد خروجه عن السطلة أواسط ٢٠١١م. نشأته : ولد علي عبدالله صالح عام 1942 في قرية بيت الأحمر التابعة للعاصمة صنعاء ولم يلق تعليما نظاميا. فقد بدأ دراسته في كتاب قريته وعندما بلغ السادسة عشر انضم إلى القوات المسلحة، وواصل الدراسة أثناء الخدمة في الجيش. وكان صالح من بين العسكريين الشباب المسؤولين عن التخطيط لانقلاب السادس والعشرين من سبتمبر/ أيلول عام 1962 وتنفيذه. وجرت ترقيته في عام 1963 إلى رتبة ملازم ثان ثم تدرج با