Gobolka Gedo waa dhul ka tirsan Jamhuuriyadda
Somaliya, ballaciisuna yahay ku dhawaad 43,000 km². Waxa uu Koofur-Galbeed ka xigaa caasimadda
Muqsho masaafo dhan, 387kM(241ml).
Garbahareey waa Xarunta gobolka waxaana
hoos yimaado Todobada degmo ee kala ah: Beled-Xaawo, Baardhere, Buurdhuubo,
Dooloow, Ceel-Cade ,Ceelwaaq iyo Luuq-Ganaane .Waa gobolka labaad ee ugu dhulka
weyn, isla mar ahaantaana waa gobolka labaad ee ugu xuduudaha badan marki la
eego khariiradda wadanka. Waxaa uu
soohdimo la wadaagaa wadamada Kenya iyo Ethiopia , sidoo kale waxaa ku teedsan
Afar gobol oo Jamhuuriyadda Soomaaliya
ah.
Taarikh ahaan asaaska gobolnimo ee Gedo, waxa uu ka mid yahay goboldii ku sameysmay
Qaybin- maamuleedkii dawladdii Kacaanka,
iyadoo markii hore uu ka mid ahaa deegaanadii la isku oran jiray" Basso
Giuba". Hayeeshee, in
kastoo, dad badan oo Soomaali ah ay madaxdii Dawladdi Dhexe ku eedeyn jireen
,Qaraabo-kiil, eex, sadbursi iyo in ay laduubanyihiin qabiiladooda, hadana gobalkaan
oo ahaa meeshii ay ka soo jeedeen madaxdaas ayaanan uga marag kaceyn eedeymahaas.
Sababta oo ah gobolkani kama uusan helin dawladdii dhexe
daryeel gaar ah , iyo mid guud midna .Waxa uu ahaa meesha qeybta ugu yar ka
heshey mashaariicda dawladda, sidoo kale adeegyada bulshada asaasiga ah iyo
waliba kaabayaasha dhaqaale.Gedo oo ah gobol qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah
, Xoolaha iyo Beeraha , ayna maraan labada wabi ee Juba iyo Daawo:(dad badan oo
soomaali ah kuma baraarugsana in uu maro wabiga Daawo gobolkaan) ma uusan helin
mashaariic hormarineed oo lasiman kuwa ay heleen gobolo badan oo kamid ah
dalka.
Laga
soo bilaabo burburkii dawladdii dhexe ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre(Allah
ha u naxariisto) gobolka gedo kama harsan dhibaatada dagaalka oo midba uu mid kusimay.Waxa
uu fagaare u ahaa kooxo iska soo wada horjeeday ,oo dhamaantood kawada sinaa in
ay yihiin kuwa aysan dooran dadka
gobolka iyaguna anan ka talineyn dandooda. Dagaaladii dhexmaray ururadii SNF
iyo AL-itixad, kuwi u dhexeeyay beelahaha
gobolka, Alshabab iyo Ahlusuna oo haatan ku loolamaya dhamaan intuba
waxa ay uga sii dareen xaaladdii adakeyd ee gobolka,
waxa ayna horseedeen barakac, gaajo iyo saboolnimo ka dilaacday daafaha
gobolka.
Hadaba intii ay dhibaatadani socotay ayaa qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka waxaa ka soconaysay arrin mudan fiiro-gaar
ah. Wali ma is weydiisay sababta keentay in dagmooyinka gobalka gedo ee dhinaca xudduudda
Kenya xiga laga isticmaalo lacagta dalkaas? , sidoo kale dadka deegaankuna ay u baratamaan qaadashada dhalashada
dalkaas? Arrintani ma aha mid ay in
badan oo dadka ka mid ah u arkaan in ay
wax dhimaal leedahay, ama maba ku baraarugsana badankoodu. xaqiiqaduse waxa ay tahay
in ay si xun u saameynayso qaranimada wadanka Soomaaliya iyo haybadda dalka,
sabatoo ah lacagta iyo Jinsiyadda waxa ay ka mid yihiin calaamadaha wadan lagu
garto, waxa ay lasimanyihiin Calanka, Baaqa Qaranka …IWM
Dagmooyinka
B/xaawo, Dhamso iyo Ceelwaaq waxa ay
dadku, si rasmi ah, wax ugu kala gataan lacagta dalka Kenya. Laakin su'aashu
waxa ay tahay: Hadii dadka qaar ay is leeyihiin lacagta Soomaaliya oo qiima dhacday darteen , iyo dadka
deegaanadaan oo Kenya ganacsi lawadaago ayaa ku khasbay dagmooyinkaan
isticmaalka lacagtaan, maxay tahay sababta keenayso in ay dadka deegaanaddaan
qataan aqoonsiga dalka Kenya?. Dhab ahaanti
qofkii ufiirsado xuduudda u dhaxayso Beled/Xaawo iyo Mandera ,waxa uu la yaabi
doonaa sida ay labada magaalo isugu milmeen, oo ayba adagtahay in aad kala
soocdo guryaha labada daraf kala raacsan. Haddii dhanka Soomaaliya aysan jirin
dawlad ka reebto dadka dhisashada dhulka xudduudda ku yaalo, Kenya maxay
indhaha uga laabatay dadka dhanka Mandera ka dhisanayo guryaha? Ma sidii ay
iyadu dooneysay ayay wax u socdaan? Waxaa xusid mudan , dadka guryaha ka
dhisanaya labada dhinacba waa dad ree Beled/Xaawo ah!. Sidoo kale dadka ree
Beled/Xaawo marki lagaaro doorashooyinka Golaha Deegaanada ee Mandera, waxa ay murashaxiintu u baratamaan
in ay helaan codkooda, maadaamo ay inta badan ay qaateen Aqoonsiga Kenya(ID
Card). Taa waxaa dheer kumanaanka ardayda ah ee Mandera ku qulqulo si ay school
lada Kenya wax uga soo bartaan, kuwaas oo sida muuqata noqon kara iniinyaha uu
ka beermi doono mustabalka ay dooneyso Kenya ku taameysa ee ah jiil xanbaarsan mabaadi’deeda
. Sida degmooyinka kale ee gobolka amaba dalka intiisa kale , maxaa uu diiday
deeganaddaan in ay Iskoolo bareefad ah ka hergeliyaan magaalada?.
Hadii
aynu ku eegno arrintaan il siyaasadeed, waxaa muuqato in ay tahay xadgudub ka
dhan ah qaranimada Soomaaliya , kaasoo Kenya ay kuwado dalka Soomaaliya xilli
madaxdiisu ay yihiin kuwa taagdaran , dadkiisuna yahay mid gama'san. Iyo in
sidoo kale Kenya iyada oo iska ilaalineysa irdhro-galinta dadka deegaanka iyo
Soomaalida guud ahaan, ay hadana si hoose ugu hawlantahay qorshe dhul-balaadhsi
ah.Waxaa haboon in lagu baraarugo khatartaan, lagana hortago gardaradaan inta
ay goori goortahay, taasoo mustaqbalka isu rogi karto muran dhuleed.
W/ Q : Adam
Cabdi xuseen
Comments
Post a Comment