
Ugu horeyn Nidaamka federalka, waa qaab ay
talada maamul iyo Hanaanka siyaasadeed
ee dalka ku wadaagaan Xukuumadda dhexe iyo Maamullo ama Dawlada-Deeganno u
madaxbanan arrimaha siyaasada , maamulka iyo sharci Dajinta Deeganadaas.
Sadexda Haya'dood ee ay dawldu ka kobantahay ayaa qaybsamaya, iyadoo Dawlad-Deegan
kasta uu yeelanayo Sadex Haya'dood oo u gaar ah, Sidoo kale xirirka dawladda
dhexe iyo Dawlado-Deganadu waa mid Dastuuri ah. Hayeeshee Fulinta Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka
iyo mamulka waaxaha Qaranka, sida milatariga iyo Jinsiyadda…..IWM waxay hoostagayan maamulidda Dawladda dhexe.
Nidaamka Federalka waxaa uu ku sameysmaa
siyaabo dhawr ah, sida in uu ku yimaado Midaw ay isugu yimaadeen Dawlado kala
madaxbanaanaa, marki hore ,lakiin doortay Hananka Federalka si ay u mideeyaan
cududdooda ,ayna dhidbaan Qaran baaxadweyn.Sida dalalka Mareykanka Iyo
Imaraadka Carabta. Amba uu
kadhaqangalo wadan marki hore Midaysnaa,
hayeeshee, baahi looqabo awed, ay lagma maarman noqotay, hergelinta Nidaam
Federaali ah, sida in Shucuub kukala gedisan,
Diinta,Dhaqanka, Afka iyo isirka , ay kuwada noolyihin wadan qura, sidaa
daraadeed ay cuslaato in lagu dhaqo hal "XEER" .ama Bed-Dhuleedka
wadanka oo ah mid baaxadweyn ay adkaato in lagu baahiyo maamulka Dawlada
daafaha dalka oo idil.
Guud ahaan Nidaamka Federalka waa hab xukun oo
usuuban dawladaha leh tilmaamaha aan soo xusay,si ay u helaan Daganaasho
Siyaasadeed iyo Nabad kuwada-noolansho bulshada dhexdeeda ah. Taa casigeeda
waxaa ah in uusan nidaamkan u habooneyn dawladaha, ay hal qawmiyad kunooshahay,
waayo taa waxay ka dhigantahay in shacab qura loo qeybsho dadyaw, ama Deegaano
meersanaa lookala jaro Dawlado yar yar.
Sikaduwan Nidaamka Federalismka ee ay
qaybsanyihin awooddaha siyasadeed ,
maamul iyo sharci Dajinba , NIDAAMKA "Dawlad Mideysan/ UNITARY STATE"
waxaa talada dalka si buuxda gacanta ugu hayo Xukuumadda qura ee Dalka uga
arimisa Caasimadda Qaranka. Inkastoo talada dalka laga hago caasimadda ,hadana
dawladu waxay kubaahisaa maamulkeeda dalka intiisa kale iyadoo adeegsanayo hab-maamul
oo aan markazi ahayn(administrative decentralization) waana in ay dawladdu uxil saarto maareynta gobalada dalka Goleyaal
Deegaan oo ay dadka deeganada soo doortaan. Intabadan habkan waxaa kudhaqmo dawladaha
casriga ah ee tixgaliya maabaadi'da maamul wanaaga, laakin sidoo kale qaar
badan oo kamid ah dawladaha waxay adeegsadaan hab maamul dhexe ah(central
administrative) oo ah in ay dawladu ka maamusho gobalada caasimadda si toos ah,
una magac awdo Gudoomiyaal /Barasaabyo .
Sida la ogsoonyahay Dawladaha Caalamka, marka laga reebo 27 dad
ayaa ah Dawlado Midaysan. Habkani waa mid ka ilaalinayo dawldaha in ay si sahlan
uqaybsamaan ama ay kala dhantaalanto awooddoda xiliyada adag ee soofoodsaaro
Dalka.
Wadanka
Soomaaliya waxa uu ahaa wadan"Dawlad Midaysan"(dawlad Federal aanan
ahayn), laga soo bilaabo xorriyadiisi 1960kii
ilaa burburki xukumaddi uu madaxa ka ahaa Allaha unaxaristee Maxamed
Siyaad Barre,sidoo kale qaabka maamulka ayaa inta badan ahaa mid talis- dhexe
ah(central administrative) iyadoo talada dalka oo idil ay ahayd mid hoostagaysa
caasimadda ; Hayeeshe,ka dib burburkii dawladda dhexe iyo xasillooni darridii
xigtay, Soomaalidu fursad uma aysan helin in ay dhidbaan Qaran cudud leh oo ay
iyagu doorteen hanaankiisa xukun, iyo habkiisa maamul midna.
Jirridda
fikradda federalka waa mid qotto dheer ,mana aysan ahayn mid ku dhalatay habeen
qura, waxa ay ahayd mid ay curisay maskax iyo maan dhagar aqoon ah, kana
faa'idaysatay damiinimada iyo xirfad yarida Siyaasiga soomaaliyeed ee ay isaga
murgeen xargaha iyo xeerarka ciyaarta , sidaana anfariiryo dhabanka gacanta la
saartay!.
Bilawgii May ,Sanaddi 2000 ,shirkii dib u
heshiisiinta ee Soomaalida loogu qabtay deegaanka "Carta" ee dalka
Djibouti, kadibna loogu doortay madaxweyne
C\qaasim Salaad Xassan, waxa ay somaalidii ka qaybgashay shirkaas,
sacabka u tumeen islana qaateen in la dhiso dawlad rayid ah , lana qaato
dastuurkii 1960-kii, kaas oo Soomaaliya ku qeexayay Jamhuuriyad Nidaam Mideysan
ah (Unitary Republic ) . Shirkaan oo ay martigalisay dawladda Djibouti ayna
kasoo qeybgaleen dalalka ay Soomaaliya soohdinta
wadagaan ee Ethopia iyo Kenya sidoo kale
Dalka Masar, Ururka Jamacadda Carabta, ergo iyo marti sharaf kale, ayaa mirihii
iyo natiijadii ka soo baxday, waxaa si kalsami ay ka muuqato u bogaadiyay
wadamada Djibouti , Masar iyo uruka Jaamacadda Carabta ;hase ahaatee, waxaa ka aamusay oo aanan u riyaaqin labada
wadan ee Ethopia iyo Kenya kuwaas oo doonayay in ay Somaaliyada cusubi, noqoto
mid ku dhisan nidaam federal ah .Sidaa daraaddeed labadani waddan waxa ay
go'aan ku gaareen in aysan hana qaadin dawladdani cusub. Isla markiibana
Ethopia ayaa shir isugu yeertay "Hogaamiya Kooxeed" yadii, si ay
hawshaas iyagu tunka ugu ritaan. taasina waa tii sababtay sida uu qof waliba
xasuusto, fashilkii soo degdegay ee ku yimid xukuumaddi C\qaasim. Si taa lamid
ah Kenya ayaa shirar Somaalida ugu qabtay dalkeeda , si ay kaallinteeda ugudato
, ciyaartana ay moogeeda uqaadato. Shirkaani waxa ay gogalxaar u ahaayeen
hergalinta qorshaha laba geesoodka ah ee ay unkayaan Ethopia iyo Kenya.
Muddadi
udhaxeysay 2002-2004, shirar is daba joog ahaa oo Soomaalida loogu qabanayay dalka
Kenya; hayeeshee, ajandahoodu uu ahaa mid hore looqorsheeyay,Somaliduna inta
badan dhankooda laga filan jiray in ay sacab ku soo dhaweeyaan ayaa ugu danbeyn
lagu soo doortay dawlad loo bixiyay "Dawladda Federalka ee kumeel gaarka
ah" (Transitional Federal Government)"TFG" oo madax-weyne loogu
doortay Alle ha u naxariistee, C/Laahi Yuusuf Axmed, arrintani waxa ay
lamafilaan kunoqotay dadka korka kala socday Siyaasadda Soomaaliya iyo kuwa
indhaha ku haya xaaladaha hoose intuba, sida ay Somaalidu muddo kooban oo
dagdeg ah ugu qaateen, Nidaam-Xukun oo Cusub sidaana uu dalku isugu bedelo
wadan Federal ah , halkii uu ka ahaa "Dawlad Midaysan" iyadoo dadkii shira’yay aysan soo hadal
qaadin Habki Nidaam ee ay Somaaliya ahayd guud ahaan iyo midkii dawladdi
"carta" lagu dhisay ay qaateen
midna. Waa marki ugu horreysay ee Xanta Federalismka shaaca laga dhigo, iyadoo
mudadii intaa ka horreysay ay ku koobneyd Siyaasiyiin afar Jeeble-yaal ah iyo
dalal shisheeye.
Sidaa waxaa
ku bilaabatay marxalad cusub oo ay Soomaaliya ku noqotay Dal Ferderal ah,
laakin arrinta maandaaliska noqotay ayaa ah, markii uu dal sida Somaaliya oo
kale ah isu bedelayo Federal waxaa ka horreysa in la diyaariyo
"Dastuur" kadib loo bandhigo afti dadweyna, sidaana uu dalku ku noqdo
federal hadii ay dadku u codeeyaan "Dastuurka" iyo in Sidoo kale lasameeyo
Hay'ad /Guddi Qaran oo u qaybiya deegaanada dalka habka Dawlad-Deegaano/
maamullo, Laakin ilaa hadda waxaa jira "Dastuur" isagu qabya ah.
Mar haddii
aynu ogaanay salka iyo bilawga nidaamkan ,si koobana u soo afmeernay herarkii
uu soo maray hadda waxaa lagama maarmaan ah in aan is dultaago dhinacyada
gadaal ka taagan dhidbidda jirridda Nidaamka federalismka:
Si kooban
Soomaaliya waa dal ay ku nooshahay qawmiyad Diin, Mad-Hab, Midab, Dhaqan iyo Af
ba ka wada siman, dawladaha noocaan ahna waxaa loo yaqiin Dawladaha Qawmiga
ah(Nation-States) si taa ka duwan dalalka Soomaaliya deriska la ah ee Ethopia,
Kenya iyo Djibouti waa dalal ay ku noolyihiin dadyaw ku kala gedisan intaa aan
soo sheegay; waa dawlado dadyaw ka la duwan wadaagaan(multi-nation States) . Sidaa
daraadeed, Soomaaliya waa dal kaga duwan dariskiisa, markii lagu daro meesha uu
ku yaallo oo strategy ah iyo kheyraadka
Alle ugu deeqay, in dadkiisu yahay mid isku dhafan dhan kasta, taa waxa ay
Soomaaliya siinaysaa cudud aanan laloodin Karin, lalana loolami Karin. Hada ba
,ugu yaraan, si ay ugu suura gasho dalalkan, gaar ahaan Ethopia iyo Kenya oo ay
xurguf kala dhaxayso Somaaliya, in ay ku barbar noolaadaan Somaaliyada sida
ceebla'aanta ah uu EEBE u simay, iyo si loo helo isu dheelitirnaan awoodda Geeska
Africa (balance of power) iyo Qaaradda guud ahaan, waxa ay dadaal u galeen in
la kala dhantaalo awoodda mutaxan ee Soomaalida. Sidoo kale qaar badan oo ka
mid ah siyaasiyiinta Soomaalida oo ku gabanaya xaydaabka qabyaaladda ayaa u olo’leyay Nidaamkaan si ay u helaan
kursi yar ,mar hadii uu seegay kii weynaa!!.
WQ/
Adam Abdi Hussein
Comments
Post a Comment