Skip to main content

Posts

wadamo soo hayo wadadii Soomaaliya:2aad-Yemen

 Waxay ka mid tahay Yemen,wadamadii uu ka curtay Gu'gii Carabta hortaantii 2011kii,ha yeeshee xaaladda  siyaasadeed ee dalkani waa mid dhinacyo badan uga duwan wadamadii kale ee ay towrooyinku ka curteen. Waxayna noqoneysaa Yemen wadanka kali ah ee ay towro ka dhacdey, hase ahaatee wax is bedel siyaasadeed iyo waliba mid maamul oo dhab ah uusan ka dhinic. Dhamaadkii 2011kii, waxaa xilka wareejiyay madaxweyne Cali Cabdalle Saalax oo wadankaasi ka talinayay ku dhawaad muddo 30 iyo dhawr sano ah. Waxaana talada dalka qabtay  bishii Feebarayo 2012kii, Cabdi-rabow Masuur oo ku xigeen u ahaa Cali Saalax 18 sano!.  Qaabka uu xilka ku wareejiyay madaxweyne Saalax wuxuu ahaa mid siyaasadeed oo cajiib ah kasoo ahaa in si nabdoon xilka uu ku dhiibo , isagana aanan wax qaan ah loo raacan, arrintanina waxay ku timid dadaallo ay sameeyeen wadamada khaliijka oo loo bixiyay Waanwaantii Khaliijka (Gulf Initiative) taasoo uu ku helay"Xasaanad" madaxweynihii talada laga ...

Wadamo soo hayo wadadii Soomaaliya

Liibiya : Horaantii 2011ka ayaa waxaan daawanayahay tasriix ay bixisay Helary Clinton oo ahayd Xog. Arr. Dibadda ee Maraykanka waxay tiri:" Waxaan ka (walwal)-sanahay in Libiya ay noqon doonta Somaliya weyn! . Hadalkasi wuxuu si cad u muuqdaa maantay markii la eego xaaladda siyaasadeed ee ka jirta dalkaasi.   Sidoo kale 28, Septemeber Sanaddii 2013 ayaa wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka wuxuu faafiyay qormo ciwaan loogadhigay  "How 5 Countries Could Become 14?" wadamadaasi 5ta ah waa : Suuriyo, Ciraaq, Liibiya,Yemen iyo Sacuudiga. Hadaba qormadaani oo ka mid ah taxane aan ku eegayno xaalladaha siyaasadeed ee dalakaasi, waxaan ku soo qadanaynaa Xaaladda Liibiya: Dorraad magaalada caasimada ah ee Tiriibuli waxaa doon ku yimid dawlad lagu soo dhisay magaalada Sekheirat ee dalka Maroco, oo uu madax ka yahay Faiz Siraaj, taasoo ay aqoonsantahay QM, hase ahaatee hadda waxaa magaalada caasimadda ah gacanta ku haysa Xukuumad kale oo uu hogaaminayo Kh...

Ree-Hiiraan: Halyeeyo is-hortaagay Hadimadii Damul Jadiid:

Waxaa maalmahaan socdey dadaalo iyo kulamo isdabajoog ah oo ay xukuumada Federaalka ah kawaday gobolada Hiraan iyo Shabeellada Dhexe , kuwaas oo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo labadaasi gobol, hase ahaatee dadaaladaas ayaa dadka deegaanadaas dagani, gaarahaan bulshada ree Hiiraan aysan soo dhaweyn,iyadoo ay natiijo-darro ku dhamaadeen kulama badan oo ay wada yeesheen madaxda ugu sareeysa xukuumada Federaalka ah iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo uu ugu danbeeyeen kulankii madaxweynaha Xasan Sheikh ee maantay iyo kii Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid ay la yeesheen odayaasha deeganka oo ay u dhaxeysan uun dhawr maalmood. Dadka ku nool gobolka Hiiraan waxay si dhab ah u garteen ajandaha ay xukuumadu ka leedahay dhismaha maamulkaasi, inuusan ahayn mid ku saleeysan danta iyo rabitaanka dadka deegaanka ee uu yahay mid lagu jaangooyay qorshayaasha ururka Damul Jadiid ee ku aadan doorashooyinka 2016. Waxaa arrintani cadeynaysa sida ay ciidamadu dawladdu shalay ula dhaqmeen dad...

Milicsi: Qodobada Heshiiska Kismaayo

Ugu horreyn heshiiska Kismaayo ay kuwada galeen beel kamid ah kuwa deegaanada Jubbooyinka iyo maamulka Jubbaland,  waxaa la oran karaa waa talaabadii ugu horreysay ee maamulkaasi uu u qaado dhinaca dib u heshiisiinta tan iyo markii la dhisay maamulkaas oo  haatan laga joogo ku dhawaad sadex sano( 15 may 2013) . Dhanka kale heshiiskani waxa uu ku soo beegmay xilli uu dalku ku jiro u diyaargarowga doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa sharcidajinta(Barlamanka) ee heerka Federaaliga ah iyo waliba iyada oo ay jiraan isbedello dhulka ah oo ay ugu horeyso ka bixitaanka ciidamada Kenya qeyba ka mid ah deegaanada Jubbooyinka, kadib khasaarihii Cel-Cade. Hadaba Waa maxay xiriirka uu heeshkani la leeyahay labadaasi arrimood ee aanu kor ku xusnay? Maxayse tahay sababta soo dadejisay  inay heshiiskani  wada gaaraan dhinacyadii Jubbooyinka isaga soo horjeeday? Maxaase qiima ah uu u leeyahay maamula Jubbaland? **** Hadii aan dib u milicsao maalmihii tagay iyo mudadii uu...

Sidee Loogu Qancin Karaa Puntland Doorashooyinka 2016?

Qamaan Bulxan Abwaan Farshaxan Ah.

Soomaalida waa bulsho hodan ku ah abwaano iyo Maansayahano foolaad ah, kuwaasoo ka dalleeyay deelqaaf iyo naxli intuba; dabuubaha gabay iyo tixaha maanso ee ay curiyeen, Afka Soomaliga iyo inta ku hadashana u dhaafay dhigaal- murtiyeed dheeman iyo luul ah.  Hadaba waxaa jira  mid ka mid ah baarqabtaan oo ubareeray inuu ka leexdo qaabka ay caanka ku tahay suugaanta iyo gabayada soomaaliyeed kaasoo ah; In gabyaagu si qumaati ah u abaaro ujeedada  iyo arrinta uu ka maansoonayo, asaga oo adeegsanaya hadba erayada iyo oraahda ku haboon ujeedkiisa, amba asaga oo adeegsanaya sarbeeb uu ku daahay ujeedooyin waayen.  Gabyaaga Qamaan  waxa uu awood u helay inuu si farshaxnimo ah ugu shaqlo maansooyinkiisa sawir-maskaxeed, si daal iyo dhib la'aan ah ugu sharxayaa dhageystaha ujeedkiisa isaga oo hor keenaya muuqaal uu ku laray dareenka dhabta ah ee uu isagu qabo si uu sahal ugu rumeysto dhageystaha, isaga oonan u baahan faaafihin iyo fasiraad dheer. Bal aynu...

الجدار العازل الكيني ...والبدائل الممكنه

بقلم/ آدم حسين  Adam.abdif@yahoo.com بعد هجوم المبنى السكني لجامعة “جاريسا” فجر الخميس السادس من الشهر أبريل المنصرم 2015، والمجزرة التي تمت في حق 147 طالبا تم احتجازهم كرهائن داخل الجامعة بدا واضحا أن كينيا في قائمة الدول الأكثر عرضة لآفة الإرهاب، وتواجه خطرا حقيقيا يأتي هذه المرة من عقر دارها ويكون منفذوه مواطنين من بني جلدتها خاصة بعد أن اتضح أن أحد منفذي الهجوم كان ابن مسئول حكومي؛ مما لا يدع مجالا للشك بأن محاربة الإرهاب في الداخل أوجب من مطاردته في الخارج. وأعاد هذا الهجوم الأذهان إلى هجمات مماثلة شهدتها كينيا منذ أن أرسلت جيشها إلى الصومال عام 2011 بدعوى محاربة الإرهاب؛ ابتداء من هجوم مركز”ويست غيت” التجاري في العاصمة نيروبى وإعدام 68 شخصا فيه ، مرورا بمذبحة “كورمي” التي أعدمت فيها حركة الشباب 36 من عمال المحاجر المسيحيين بعد تمييز المسلمين منهم في منتصف الليل أثناء تواجدهم في الخيام المخصصة لهم في محيط المحجر الكائن في منطقة “كورمي”. بالإضافة إلى 28 راكبا من المسيحيين الكينيين كان معظمهم مدرسين في طريق العودة إلى مقر عملهم في مدينة منديرا الواقعة على الحدود ال...