Ugu
horreyn heshiiska Kismaayo ay kuwada galeen beel kamid ah kuwa deegaanada Jubbooyinka
iyo maamulka Jubbaland, waxaa la oran
karaa waa talaabadii ugu horreysay ee maamulkaasi uu u qaado dhinaca dib u
heshiisiinta tan iyo markii la dhisay maamulkaas oo haatan laga joogo ku dhawaad sadex sano(
15 may 2013).
Dhanka
kale heshiiskani waxa uu ku soo beegmay xilli uu dalku ku jiro u diyaargarowga
doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa sharcidajinta(Barlamanka) ee heerka Federaaliga
ah iyo waliba iyada oo ay jiraan isbedello dhulka ah oo ay ugu horeyso ka
bixitaanka ciidamada Kenya qeyba ka mid ah deegaanada Jubbooyinka, kadib
khasaarihii Cel-Cade. Hadaba Waa maxay xiriirka uu heeshkani la leeyahay
labadaasi arrimood ee aanu kor ku xusnay? Maxayse tahay sababta soo dadejisay inay heshiiskani wada gaaraan dhinacyadii Jubbooyinka isaga soo
horjeeday? Maxaase qiima ah uu u leeyahay maamula Jubbaland?
****
Hadii
aan dib u milicsao maalmihii tagay iyo mudadii uu jiray maamulka Jubbaland oo
ah ku dhawaad sadex sano –hadii laga soo tiriyo markuu Axmed Madoobe hogaanka
qabtay-, waxaanu muran ku jirin saameynta siyaasadeed ee uu maamulkani ku
yeeshay geedi socodka siyaasadeed ee dalka mudadii uu jiray, hase ahaatee waxaa
iyadana xusid mudan in awooddiisa maamul aysan dhaafin gudaha magaalada
Kismaayo iyo meelo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, taasina waxaa loo aaneyn
karaa sababa badan oo ay ugu weynyihiin khilaafka u dhaxeeyay maamulkan iyo
dhinacyadii ka soo horjeeday oo ay ugu horreeyaan siyaasiyiin huwan magaca
beesha ay dhawaan heeshiika wada gaareen. Iyo sidoo kale ururka Alshabab oo
gacanta ku haya inta badan deeganada hoos yimaado maamulkaasi.
Hadaanu
ku horreyno sababta soo dadejisay soo afjarista khilaafka madaxda Jubba iyo dhinacyadii
diidanaa maamulkaas, oo la rumeysan yahay inay ugu horeyso waxyaaba ragaadiyay
horay u socdka maamulkaasi, waxaa jiray dadaalo si isdaba joog ah u socday oo looga gollahaa soo af-jarista khilfaaka, tan
iyo markii la shaaciyay inuu Axmed Madoobe noqdey madaxweynaha Jubbooyinka
horraantii 2013-ka iyo is jiid-jiid kii xigay ee ka dhashay diidmadii dhinacyadii
kale inay aqoon sadaan sharciyadda maamulkaasi, hayeeshee dadaaladaasi inta
badan waxay ku dhamaanayeen natiijo-darro, mana noqon kuwa dhaliya fursad ay si
toos ah isugu hor fariistaan dhinacyada is-haya, ugana wadahadlaan arrimaha ay isku
didanyihiin. Markii laga reebo madashii Goobweyn oo markii ugu horreeyay ku
kulmeen madaxda maamulka Jubba iyo Barre Hiiraale, oo ahaa hogaamiyaha dhinaca ka soo horjeedo.
Hayeeshee hishiiskii lagu qaaray Gobweyn ayaan noqon mid soo af-jara khilaafka,
in kasta oo uu culeys badan ka qaadey, dariishad uu ka leydhsadana u furtay maamulka Jubba.
****
Dhanka
kale waxaa iyadana marar badan fashalay dadaallo kale oo lagu doonayay in
magaalada Kismaayo lagu qabto shirar dib u heshiisiin ah; waxaana sabab u ahaa
dhawrkaan arrimood oo markii ay hadda meesha ka baxeen soo dadejiyay in heshiis
lagaaro:-
Mida
1aad: Maalmihii uu curdunka ahaa maamulka Axmed Madoobe ma dooneyn inuu heshiis
la garaao dhinacyada kasoo horjeedo, si taasi aysan ugu furin inuu yimaado wax wada
qeybsi dhab ah oo ahaa waxii uu ka madax-dadbayay. Arrintani hada meesha waa ka
baxadey, maamulka Axmed Madoobana waa 3 jirsadey waxuuna noqdey mid Amaral-
waaqic ah(fad ama ha fadin).
Midda
2aad: Waxuu ku tashanayay joogitaan
ciidamada Kenya oo uu isku haleenayay inay daafacayaan maamulkiisa iyo inay
mustabalka dhaw ka saacidi doonaan qabsashada deeganada dhiman. Taasina waxaa
ciid ku shubay qasaarihii Ceel-Cade ku qabsaday ciidamadeeda ee keentay inay
Kenyo wax ka bedesho istiraatiijiyadeeda iyo joogitaankeeda Soomaaliya.
Midda
3aad: waa mid uu la wadaago dhinacyada kasoo horjeeday, oo ah inay garosadeen faa'ida xumada uu khilaafka
u leeyahay labadooduba. Inkasta oo maamulka Axmed Madoobe uu dhankiisa ku
guuleystay inuu helo aqoonsi siyaasadeed hadana waxuu ku fashalay inuu
maamulkiisa baahiyo. Dhinaca kale qoloda kasoo horjeeda iyaguna waxay ku guul
darreysteen inay boos ka helaan ciyaarta ciyaasadeed taasoo kaalintooda ku
koobtay inay hoteelada Xamar iska harsadaan; sidaasi daraadeed waxaa la dhihi
karaa labada dhinacba dan baa ku
kulmisay heshiiska kadib markii uu dhan waliba ciida soo taabtay.
****
Run
ahaan qiimaha iyo nuxurka uu u leeyahay heshiiskan maamulka Jubbaland ma aha oo
kaliya inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah beelaha ugu saameynta badan deegaanada
Jubbooyinka ee waxa uu sidoo kale hishiiskani xaqiijiay hadaf siyaasadeed oo
door ah, kaasoo ah aqoonsiga buuxa ee uu maamulkani helay. Dhanka kale waxa uu
heshiiskani leeyahay milgo siyaasadeed oo ay ku gorgortami karaan maamulka
Jubbaland markii la gaaro doorashooyika August ee fooda nagu soo haya.
Si kasta
oo uu ku yimaadaba heshiisku waa hormar qiima leh, si gaar ahana ay baahi ugu
qabto umadda Soomaaliyeed degel kasta oo ay joogtaba, Heshiiska Kismaayana
waxaan rajeynayaa inuu noqdo mid dhaqan gali ee aanu noqon waraaq anqaas la
mariyay.
Comments
Post a Comment