Skip to main content

Ree-Hiiraan: Halyeeyo is-hortaagay Hadimadii Damul Jadiid:

Waxaa maalmahaan socdey dadaalo iyo kulamo isdabajoog ah oo ay xukuumada Federaalka ah kawaday gobolada Hiraan iyo Shabeellada Dhexe , kuwaas oo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo labadaasi gobol, hase ahaatee dadaaladaas ayaa dadka deegaanadaas dagani, gaarahaan bulshada ree Hiiraan aysan soo dhaweyn,iyadoo ay natiijo-darro ku dhamaadeen kulama badan oo ay wada yeesheen madaxda ugu sareeysa xukuumada Federaalka ah iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo uu ugu danbeeyeen kulankii madaxweynaha Xasan Sheikh ee maantay iyo kii Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid ay la yeesheen odayaasha deeganka oo ay u dhaxeysan uun dhawr maalmood.

Dadka ku nool gobolka Hiiraan waxay si dhab ah u garteen ajandaha ay xukuumadu ka leedahay dhismaha maamulkaasi, inuusan ahayn mid ku saleeysan danta iyo rabitaanka dadka deegaanka ee uu yahay mid lagu jaangooyay qorshayaasha ururka Damul Jadiid ee ku aadan doorashooyinka 2016. Waxaa arrintani cadeynaysa sida ay ciidamadu dawladdu shalay ula dhaqmeen dadkii sida nabad galyada ah ugu banaanbaxayay magaalada Baledweyn,iyadoo rasaas lagu furay si loo caburiyo oo codkooda hoos loogu dhigo, kadib markii mar labaad uu natiijo-darro ku soo dhamaaday kulankii Madaxweynaha iyo odayaasha.

Dhanka kale heshiiska uu maatay Madaxweynahu la gaaray qaar ka mid ah odayaasha ka soo jeedo deegaanka Hiiraan ayaa ah taalaabo dhabar jabin ah oo lagu wiiqayo awooda dhinacyada diidan qorshaha xukuumada,ha yeeshee tilaabadaas ayaa sidoo kale ah mid lagu kala qeybinayo bulshada gobolka Hiiraan. Arrintaasi waxay muujinaysaa sida madaxda xukuumaddu ay ugu tagri falayaan suldada ay u hayaan qaranka iyada oo danta gaarka ah ka hormariyay mida guud.

Xawliga ay ku socodaan hawlaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan & Shabeelada dhexe iyo qarashka tirada badan ee lagu bixinayo; iyada oo dadka deegaankuna ay la il-daranyihiin macluusha iyo dhibaatadada ka dhalatay biyo la'aanta wabiga shabeelle iyo xaaladaha abaaraha, ayaa inooga filan inaanu si dhab ah u fahano danta iyo u jeedada laga leeyahay dhismaha maamulkaasi.

Bulshada ku nool Hiiraan waxay ahaayeen gidaarka hortaagan inay fulaan ajandayaasha ururka Damul Jadiid inta ka dhiman, iyadoo ay ka hor joogsadeen inay  la wareegaan talada gobolada Hiiraan & Shabeelle si ay u dhaqangaliyaan qorshahooda is balaarinta ah. Waxaa maantana la gudboon inay xajiyaan kaalintay
hayaan, iyaga oo ugu danbeyna u loodsamaya meesha ay danta guud ku jirto, ayna ka digtoonaadaan inay galaan siriqda iyo dabinka loo dhigayo.




Comments

Popular posts from this blog

معضلة السياسة الخارجيه الصومالية

  تواجه السياسة الخارجية الصومالية معضلات كبيرة، تتمثل في انتشال صورة البلد المشوهة من أنقاض “الصوملة” “والدولة الفاشلة” التي التصقت اسم الصومال طوال العقود الثلاثة الماضية، وتكريس جهودها في محاولة تغيير تلك الصورة النمطية، بالإضافة إلى استعادة مكانتها الإقليمية والدولية وحضورها في الساحة العالمية؛ حيث إن غياب الصومال عن الساحة الدولية والإقليمية، بفعل الظروف السياسية الصعبة التي مر بها طوال العقود الثلاثة الماضية، والتي شهدت فيها المنطقة تغيرات كبيرة على المستويين السياسي والديموغرافي، أدت إلى اختلال التوازن في ميزان القوة في المنطقة. علاوة على التحديات التي تفرضها البيئة الداخلية من ضبابية الأوضاع السياسية المتدهورة وانعكاساتها على الأداء السياسي الخارجي للصومال، إلى جانب التحديات التي تفرضها البيئة الخارجية، لاسيما فيما يتعلق بضمان استمرار الدعم الأممي لإنجاح العملية السياسية الصومالية وتحقيق المصالحة الوطنية الشاملة، مما يتطلب إلى بناء الثقة بين النظام السياسي والدول المانحة، وهذه المسئولية تقع على عاتق الوزارة الخارجية الصومالية. الأزمة الخليجية وقد وجدت السياسة الخارجية الصوم...

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

"Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa" oraah fac-weyn  ayaa tiri. Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda waxa ay noqon karaan cudud anan la loodin karin.

Maxay tahay raadka Sharciyeed ee ka dhalanaya kali-Is-Doorashada Axmed Madoobe?

  Maalinta khamista ah ee soo socota; marna la mid ma noqoneyso kuwii  sanadihii 2013 iyo 2015kii, oo Laba mar  oo hore Sh Axmed Islam uu si iskii ah isugu caaleemo saaray magaala xeebedka Kismaayo madaxweynaha Dawladda Jubbaland!. Labada goorood, oo ay Axmed kaalmeysay duruufo iyo xaalado siyaasadeed oo dalka ka jiray; kuwaasi oo haatan ay sua'al ka tagaantahay in ay sidoodii yihiin iyo in kale.  Waxaan qormadaan ugu kuurgelayna xaaladda jubbooyinka ka tagan.  Yaa dhisay Jubbaland?  Jubbaland waa magaca siyasaded ee haatan dad badan u yaqaanan Gobalada Gedo & labada Jubbo, magacbixinta iyo dhismaha maamul goboleedkani; marna ma ahayn mid lagu heshiiyay. Wuxuu ku dhashay kuna hana qaaday kedis uu gadaal-socday culeys iyo faragelin shisheeye.  Si kooban maamulkani aya  sidii roobala-dhaca mar qura dhashay kadib soo gellitaankii ciidamada XD-Kenya oo dabayaqaadii 2011 kii soo galay qeyba badan oo kamid ah deeganada jubbooyink...