Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Soomaaliya

Ree-Hiiraan: Halyeeyo is-hortaagay Hadimadii Damul Jadiid:

Waxaa maalmahaan socdey dadaalo iyo kulamo isdabajoog ah oo ay xukuumada Federaalka ah kawaday gobolada Hiraan iyo Shabeellada Dhexe , kuwaas oo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo labadaasi gobol, hase ahaatee dadaaladaas ayaa dadka deegaanadaas dagani, gaarahaan bulshada ree Hiiraan aysan soo dhaweyn,iyadoo ay natiijo-darro ku dhamaadeen kulama badan oo ay wada yeesheen madaxda ugu sareeysa xukuumada Federaalka ah iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo uu ugu danbeeyeen kulankii madaxweynaha Xasan Sheikh ee maantay iyo kii Raisal Wasaare Cumar Cabdirashid ay la yeesheen odayaasha deeganka oo ay u dhaxeysan uun dhawr maalmood. Dadka ku nool gobolka Hiiraan waxay si dhab ah u garteen ajandaha ay xukuumadu ka leedahay dhismaha maamulkaasi, inuusan ahayn mid ku saleeysan danta iyo rabitaanka dadka deegaanka ee uu yahay mid lagu jaangooyay qorshayaasha ururka Damul Jadiid ee ku aadan doorashooyinka 2016. Waxaa arrintani cadeynaysa sida ay ciidamadu dawladdu shalay ula dhaqmeen dad...

Milicsi: Qodobada Heshiiska Kismaayo

Ugu horreyn heshiiska Kismaayo ay kuwada galeen beel kamid ah kuwa deegaanada Jubbooyinka iyo maamulka Jubbaland,  waxaa la oran karaa waa talaabadii ugu horreysay ee maamulkaasi uu u qaado dhinaca dib u heshiisiinta tan iyo markii la dhisay maamulkaas oo  haatan laga joogo ku dhawaad sadex sano( 15 may 2013) . Dhanka kale heshiiskani waxa uu ku soo beegmay xilli uu dalku ku jiro u diyaargarowga doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa sharcidajinta(Barlamanka) ee heerka Federaaliga ah iyo waliba iyada oo ay jiraan isbedello dhulka ah oo ay ugu horeyso ka bixitaanka ciidamada Kenya qeyba ka mid ah deegaanada Jubbooyinka, kadib khasaarihii Cel-Cade. Hadaba Waa maxay xiriirka uu heeshkani la leeyahay labadaasi arrimood ee aanu kor ku xusnay? Maxayse tahay sababta soo dadejisay  inay heshiiskani  wada gaaraan dhinacyadii Jubbooyinka isaga soo horjeeday? Maxaase qiima ah uu u leeyahay maamula Jubbaland? **** Hadii aan dib u milicsao maalmihii tagay iyo mudadii uu...

Sidee Loogu Qancin Karaa Puntland Doorashooyinka 2016?

Xukuumadaha Seqda-dhexe

" Xalal maalin ayaa laquutaa " weedhan hadii ay dhagaaha horey uga dhaadhacdey; sidaa darteedna Xalal –miirad aad tahay, waxa aad u baahantahay in aad maanka galiso, luuq-luuqyada siyaasadda xaraanta iyo xalaasha hadba qiimohooda waxa uu dhanyahay inta ay hubanti ka dhigi karaan danaha daahsoon ee Caalamka Siyaasadda.  Badanaa xukuumadahii soo maray dalka mudadii dawlad la'aanta, waxa ay guud ahaan ka mideysnaayeen, hanaanka Magac-uyaalimo ee ka maran milgaha dhabta ah ee Hay'adnimo, markii lagu qiimeeyo heerka adeega ee ay u hayso bulshada iyo dalka guud ahaan; sumcadda musasadda iyo suurta galnimada in ay sal-dhigato mustaqbalka.  Runtii, in kasta oo ay jiraan caqabado badan oo horyaalo shaqo-gudashada iyo taaba-galka Waaxaha kala duwan ee dowladda, hadana waxaa la oran karaa waxa anan jirin ogaal iyo qorshe istiraatiji ah oo ay u dajiyeen dadka gacanta ku haya.  Hayeeshe markii laga yimaado qiimeynta ku aadan heerka shaqa-gudashada amba guud ahaan nuxurka ha...

Gedo, Gayiga dhacan ee Kenya ugacangalayo

Somaliya Federal Dawlad la'an ah