Skip to main content

wadamo soo hayo wadadii Soomaaliya:2aad-Yemen

 Waxay ka mid tahay Yemen,wadamadii uu ka curtay Gu'gii Carabta hortaantii 2011kii,ha yeeshee xaaladda 
siyaasadeed ee dalkani waa mid dhinacyo badan uga duwan wadamadii kale ee ay towrooyinku ka curteen. Waxayna noqoneysaa Yemen wadanka kali ah ee ay towro ka dhacdey, hase ahaatee wax is bedel siyaasadeed iyo waliba mid maamul oo dhab ah uusan ka dhinic.

Dhamaadkii 2011kii, waxaa xilka wareejiyay madaxweyne Cali Cabdalle Saalax oo wadankaasi ka talinayay ku dhawaad muddo 30 iyo dhawr sano ah. Waxaana talada dalka qabtay  bishii Feebarayo 2012kii, Cabdi-rabow Masuur oo ku xigeen u ahaa Cali Saalax 18 sano!. 

Qaabka uu xilka ku wareejiyay madaxweyne Saalax wuxuu ahaa mid siyaasadeed oo cajiib ah kasoo ahaa in si nabdoon xilka uu ku dhiibo , isagana aanan wax qaan ah loo raacan, arrintanina waxay ku timid dadaallo ay sameeyeen wadamada khaliijka oo loo bixiyay Waanwaantii Khaliijka (Gulf Initiative) taasoo uu ku helay"Xasaanad" madaxweynihii talada laga qaadey ee Cali Salax.
Waxaa sidoo kale "Waanwaantii Khaliijka"  ku xusneyd habka awood qeybsiga siyaasadeed ee marxaladda Cali kadib, waxaana lagu heshiiyay in jagooyinka xukuumadda si siman loogu qeybiyo laba xisbi "Xisbiga Madasha Dadweynaha ee Guud" iyo gaashaanbuurtiisa(waa xisbigii madaxweyne Saalax) iyo "Xisbiga Madasha Bahoowdey" iyo Baha-wadaagtiisa, sidaasina waxaa lagu soo dhisay xukuumad labada dhinac ay u dhanyihiin.

Sida muuqata guruubyada awood qeybsigani ku heshiiyay waa isla kuwii garoonka siyaasadda kuwada ciyaarayay, hase ahaatee dhalinyaradii banaanbaxayaasha ahaa ee iyagu dabka towrada hulaaqiyay ayaan wax saami ah ku yeelan awood qeybsigaas. Arrintaasina waxay ka mid tahay waxyaaba keenay in la qabto shirweyne dib u heshiisiin qaran ah oo magaalada caasimadda ah lagu qabtay (Shirwenaha Dib u Heshiisiinta Qaran/National Dialogue Conference 18 Maarso-24 Janaayo 2014). Intii uu socdey shirkaasi qaran waxaa diiradda lagu saaray sagaal arrimood oo ay ugu muhiimsaneyd Arrinta Koofurta, Gobolka Sacda, Hab-dhiska dawlladda iyo dastuur cusub in la sameeyo, Maamul wanaagga, Dib u heshiisiinta iyo qodobo kale. Waxaana dhamaadkii heshiiskaas la iskula qaatay qodabka Hab-dhiska Dawlladda, in Yemeni ay noqoto dal federal ah oo ka kooban lix maamul goboleed!.

 

Arrintaasi ayaa waxay noqotey midda dib u soo nooleysay doogta loolankii siyaasadda ee lagu dhameeyay heshiiskii khaliijka! Waxayna baasiin ku shubtay loolanka culus ee dalkaasi ka jiro kaasoo haatan noqdey arrin caalami ah iyo mid goboleed dirba, sababtuna waxay tahay arrintan ku saabsan federaaleynta dalka waxaa si weyn u diidanaa garabka siyaasadeed ee uu hormuudka ka yahay madaxweyne Saalax.


In kasta oo khilaafka dhinacyadu uusan baananka u soo bixin ka hor dhamaadkii sanaddka 2014kii, hadana dhimbilaha colleytanku waxay ahaayeen kuwa hoos ka hulaya. waxaana daboolka ka qaadey dalabkii madaxweyne  Cabdi-rabow ee keentay in golaha amaanku uu ku soo rogey xannibaad safarka ah madaxweynihii hore  Cali Saalax dhamaadkii 2014kii. Dhanka madaxweyne Saalaxna wuxuu xubinimadii xisbigiisa ka saaray Cabdi-rabow oo xubin ka ahaa xisbiga "Madasha Dadweynaha ee Guud"!

 

Dhanka kale muddadii uu xilka hayay madaxweyne Cabdi-rabow wuxuu wadanku galey habacsani maamul iyo jahawareer siyaasadeed, taasoo ugu danbeyn horseeday in bishii Sebtembar 2014kii, ay caasimadda qabsadaan maleeshiyada Ansar-alle(Xuutiyiin) oo horey usoo qabsadey gobolo kale oo dhanka waqooyiga ah. Inkasta oo ay dad badani rumeysan yihin in kooxdani tahay bac-madoow uu sitay madaxweynihii hore ee Saalax,waana arrin meesha aan ka marneyne, hadana eedda iyo masuuliyadda waxaa qaadaya maamulkii madaxweyne Cabdi-rabow oo ahaa suldada wadanka ka talisa.

 

Duulaankii ka Dib

 

Horaantii 2015kii, madaxweyne Cabdi-rabow oo in mudda ah xabsi guri ku jiray ayaa wuxuu ka baxsadey guriga madaxtooyada ee magaalada caasimadda , wuxuuna magansadey magaala xeebeedka Cade oo dhanka koofurta ku taalo, talaabadaasina waxay horseeday is badelka xaaladda siyaasadeed ee dalka oo ka baxdey gacanta yamanida. Waxaase xusid mudan muddadii ay xirnaayeen madaxweynaha iyo golihii xukuumaddisa, ayaa waxay soo gudbiyeen is casilaad, arrintaasina waxay keentay inay ka dhex toloto kooxda Ansar-alle iyo madaxweyne Saalax, iyada oo dhinac madaxweyne Saalax uu doonayay in baarlamanku uu gudoomo is casilaadaas sida uu dastuurku qabo, kadibna gudoomiyaha baarlamaanka xilka lagu wareejiyo muddo sadex bilood ah oo dabadeed loo gudbo doorasho guud.

 

Dhanka Ansar-alle ayaa arrinkaas u arkayay dabin halis ku ah jiritaan kooda, iyada oo hadii ay sidaasi ay dhacdo macnaheedu tahay inuu dib u soo laabto taliskii madaxweyne Saalax iyaguna ay dib ugu noqon doonaan buuraleydii Marraan oo ah meesha ay ka sooo hayaameen. Is jiidjiid kaasi wuxuu keenay inuu fakado madaxweyne Cabdi-rabow, waxaana ka dhashay inuu soo igmado hawlgalka Gaashaanbuurta Carabta ee uu hormuud ka yahay Sucuudiga. Hawlgalkaasina wuxuu gabi ahaanba bedelay urtii iyo jahadii arrinta siyaasadeed ee dalka Yemen.

 

Haddii aanu milicsano xaaladda siyaasadeed ee dalkaas sanad ka dib duulaankii carabta ee loogu wanqalay" Dabeysha soo Afjarridda" iyo "Rajo-soo-celinta" waxaa haataan geboggabo ku dhaw hawlgalkaasi oo ku eg 18ka bishaan abriil 2016, oo sidoo kale loo balansan yahay wadahadallo siyaasadeed oo ka dhici doono dalka Kuwait. Dhanka kale waxaa wali gobolada qaar ka socdo dagaalada u dhaxeeyo maleeshiyooyinka raacsan Cabdi-rabow iyo kuwa Ansar-alle oo ay taageerayaan ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore Cali Saalix. Waxaa sidoo kale maalmo ka hor uu xilka ka qaadey madaxweyne Cabdi-rabow, mudane. Baxaax oo ahaa Rasalwasaaraha xukuumadda, arrintanina waxay sii xoojisay khilaaf soo jitamayay oo u dhaxeeyay labada nin(madaxweynaha & raisal wasaaraha). Waxaa sidoo kale la filayaa inay saameyn ku yeelan doonto geedi-socodka wadahaddalada. Lkn ka hor dhici mayno waxaan u deynaynaa maalmaha soo socdo.

 

Ugu danbeyn xaaladda Yemen waa mid aad u cakiran wayna adagtahay in la odoroso waxay ku danbeyn karto, ha yeeshee waxaa muuqdo ififaalo nabadeed iyo xal siyaasadeed oo soo ciirciiraya, lkn waxaa dhinacyada yamanidu horyaalla caqabdo waaweyn, waxaana rajeynaynaa waaya aragnimada iyo murtida ree yamani inay ku hagi doonto xal inay gaaraan hadii dhexdooda la isaga baxo.

 


Comments

Popular posts from this blog

Qamaan Bulxan Abwaan Farshaxan Ah.

Soomaalida waa bulsho hodan ku ah abwaano iyo Maansayahano foolaad ah, kuwaasoo ka dalleeyay deelqaaf iyo naxli intuba; dabuubaha gabay iyo tixaha maanso ee ay curiyeen, Afka Soomaliga iyo inta ku hadashana u dhaafay dhigaal- murtiyeed dheeman iyo luul ah.  Hadaba waxaa jira  mid ka mid ah baarqabtaan oo ubareeray inuu ka leexdo qaabka ay caanka ku tahay suugaanta iyo gabayada soomaaliyeed kaasoo ah; In gabyaagu si qumaati ah u abaaro ujeedada  iyo arrinta uu ka maansoonayo, asaga oo adeegsanaya hadba erayada iyo oraahda ku haboon ujeedkiisa, amba asaga oo adeegsanaya sarbeeb uu ku daahay ujeedooyin waayen.  Gabyaaga Qamaan  waxa uu awood u helay inuu si farshaxnimo ah ugu shaqlo maansooyinkiisa sawir-maskaxeed, si daal iyo dhib la'aan ah ugu sharxayaa dhageystaha ujeedkiisa isaga oo hor keenaya muuqaal uu ku laray dareenka dhabta ah ee uu isagu qabo si uu sahal ugu rumeysto dhageystaha, isaga oonan u baahan faaafihin iyo fasiraad dheer. Bal aynu...

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

"Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa" oraah fac-weyn  ayaa tiri. Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda waxa ay noqon karaan cudud anan la loodin karin.

معضلة السياسة الخارجيه الصومالية

  تواجه السياسة الخارجية الصومالية معضلات كبيرة، تتمثل في انتشال صورة البلد المشوهة من أنقاض “الصوملة” “والدولة الفاشلة” التي التصقت اسم الصومال طوال العقود الثلاثة الماضية، وتكريس جهودها في محاولة تغيير تلك الصورة النمطية، بالإضافة إلى استعادة مكانتها الإقليمية والدولية وحضورها في الساحة العالمية؛ حيث إن غياب الصومال عن الساحة الدولية والإقليمية، بفعل الظروف السياسية الصعبة التي مر بها طوال العقود الثلاثة الماضية، والتي شهدت فيها المنطقة تغيرات كبيرة على المستويين السياسي والديموغرافي، أدت إلى اختلال التوازن في ميزان القوة في المنطقة. علاوة على التحديات التي تفرضها البيئة الداخلية من ضبابية الأوضاع السياسية المتدهورة وانعكاساتها على الأداء السياسي الخارجي للصومال، إلى جانب التحديات التي تفرضها البيئة الخارجية، لاسيما فيما يتعلق بضمان استمرار الدعم الأممي لإنجاح العملية السياسية الصومالية وتحقيق المصالحة الوطنية الشاملة، مما يتطلب إلى بناء الثقة بين النظام السياسي والدول المانحة، وهذه المسئولية تقع على عاتق الوزارة الخارجية الصومالية. الأزمة الخليجية وقد وجدت السياسة الخارجية الصوم...