Skip to main content

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

"Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa" oraah fac-weyn  ayaa tiri.

Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda waxa ay noqon karaan cudud anan la loodin karin.


Murtida maahmaahdani waxa ay si xeel-dheer uga dhaadhacday  labo habal oo ka mid ah bahweynta duur-joogta, waa Dameer iyo Dabangaalle(tukulish).
 waa labo noole oo abuur,muuqaal, garaad, iyo isirba kula gedisan, hayeeshe dan iyaga u gaar ah ku bahoobey, walaalo dhiig iyo dhiilbana wadaago u noqday. laakin arrinta ay ku bahoobeen waa mid ka weyn in uu sawirto maanka iyo malaha habar-dugaag , waa xaajo ugub ah oo anan horey gayiga uga dhicin.  

waxaa la yiri Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Dabangaalle naftiisa la haasaawey, waxa uu faaleeyay waayihiisa aduun iyo halka uu xaalkiisu ku suganyahay;
mise Waa bah-laawe aysan janaasadiisa iyo duugtiisa toona isugu imaaneyn labo ay isir wadaagaan.
 Waa gooni-jooge golon-golay oo kaligii cidladaa kolba meel salaad Rukuuc iyo Sujuud midna aanan lahayn qac ka siiya.

Afadiisu waa abeeso oo iyada oo jecel ayuu nafta kala dharroocday, in uu la dadabgalana ka baqay; maxaa yeelay iyada qudheedu uma aysan calaman in uu say gacal ah u noqdee waxa ay jamatay baruurtiisa dheylada ah in ay mar afka ku hubsato calooshana dhigato.

waxa la gudboonaatay in uusan isu dhiibin guuldarida noolalsha,habar-dugaagna aysan ku wiirsan, il-quursina aysan ku eegin.
 waxa uu go'aansaday in uu sameeyo arrin ay habar-dugaag wadar ahaan la ashqareeraan afkana kacanta saaraan.

goor hore ayuu hadda ka jarmaaday aqalkiisa isaga oo ay maankiisa dhex sabeynayaan himilooyin ka waaweyn buuraha Golis, waxa uu gaarey halkii uu ku  socday  oo ahayd waabka wadeygiisa Dameer oo arintani qeyb ka ah

"ma barideen?' waa nabad barinay" ayaa la isku nabdaadshay.
 kadibna waxa uu danabgaallihii salka sii dhigay darin loo fidshay oo ay  darafteeda kale dabooshay digo aad u waaweyn.
isaga oo hadalkii bilaabayna waxa uu ku yiri dameerkii; waad ogtahayoo aadanuhu abaal-dhaca ay kugu hayaan, ifka inta aad joogtanada waxa ay kugu hilaan heeryo, dibnohoodu kama daalaan in ay ku hiifaan , haddii iilka lagu dhigo oo aad  aakhiro  u hoyatana, hooyga naarta in darajo laguu siiyo ayay kuugu dardaar wariyaan. 
Habar-dugaagna waxaad dhexdooda ka noqotay tuko canbaar leh, waxa ay had iyo jeer ku maadeystaan ceebahaaga.
Haba saaxiib saw kulama qumana in aynu heeryada duligga iska ridno? Ayuu hadalkiisi ku soo af-meeray

kadibna waxa laguda galay in la isla lafa-guro arintii loo balamay, laakin ha layaabin haddi aad ogaatid in arrinta loo balamay ay tahay sidii boqor-nimada keynta looga qaadi lahaa Aar-libaax, kadibna ay unoqon lahayd dhextaal, iyo meerto, waana taas mida aan u dooraney isticmaalka Eray-bixinta"Jamhuuriyad".

waxaa ugu danbeyn hoosta laga xariiqay in Dabangaaluhu haddi uu dilo Boqorka Kaynta uu noqonayo Boqor-yare anan abid dhicin, laakin ma kulatahay in uu dili karo Boqorka Kaynta?

Atoore Dabangaalle ayaa subaxdii xigtayba meel fagaara ah ka sheegay in uu doonayo in ay isu ban-baxaan isaga iyo Boqorka Kaynta, si loo arko midkoodii raayana habar-dugaag wadar ahaantood ay marag iyo shaahid u noqodaan, goob joogayaalna u ahaadan; sidaa ayaana lagu wada ballamay.

markii lagaaray maalintii ballanta waxaa goobta soo gaaray, Dabangaalle oo ay wajigiisa ka muuqato isku-filni iyo caro nin awood badan. Aar ayaa isaguna isla markiiba goobta yimid, oo hal-haleel u soo galay goobta yidhina:
" waar aaway hoogihii naftiisa nacey , ee aakhiro doonka ahaa?'
adiga ayaa Hoogey ayuu yiri Dabangaalena, islaa markiibana waxa uu degdeg u soo koray Goobtii Lagdinka. 

Aar-libaax ayaa qosal hada ladhacay yiri ; Dabangaallow aniga kulama loolamayee, sayntayda ayaan kugu dayn kolba doc ha kuu tuurtee; ee sidaa diyaar ma u tahay? Dagabangaalle ayaa yidhi Hawraarsan.
mudda yar kadibb waxaa indhaha habar-dugaag ka qarsoomay Dabangaalle, ileen xeelad uu horey umaaganaa ayaa u gashay, ducadii waalidkiis ee ahayd "sida aad rabato sad laguugu dar"na waa ay u toostay.
Ileen waa sirtii uu damacsanaaye shoow Dabangaallihii, waxa uu Quusay Libaaxii, sida xeebta Liido ay u lunbadaan, Ciyaalka xaafaddaha Xamar, kadibna uur ku jirta ayuu midba mar xarigga u soo jaray.

Qeylo Cataw iyo cabaad ka dib Aar-libaax, sidaa ayuu isla goobtii ugu geeriyooday.
 Habardugaag oo ciyaarta daawanaysay ayaa Sacab, Ala'laas iyo sawaxan goobta ku idlaysay, iyaga oo ku luuqeynaya erayada guusha ee Dabangaallaha "Dabangaale Aar diley Wali ma aragteen? ''Nin yar oo nin weyn dilay ma aragteen?..''

sidaas ayuu dabadeed Dameerkii uu ku noqdo Boqorka, maadaama uu ka soo jeedo bah-weynta Dameeraha iyo Dameer-farawga ,Dabangaaluhuna Boqor-yare ayuu noqday maadaamo uu dilay Aar-libaax. laga bilaabo maalintaasna qofkii uu daraabo Dameerku waxaa si qumaati ah u quusi jiray Dabangaalaha sidaa ayuuna ku dhiman jiray.


Haddii aad is weydiiso habka xukunka iyo siyaasadda Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka, waxa aan kaaga cabsanayaa in ay ku haleesho masiibadii ku dhacay Gari, Maroodi iyo geel, oo sheegatay in ay ugu itaal roonyihiin Kaynta, markii ay ka codsadeen Jamhuuriyaddu in ay dhirta ka dayso murxinta(diirid/fiiqid) dhamaantoodna waxa ay u hoydeen aakhiro.


By/ Adam Hussein

Comments

Popular posts from this blog

Qamaan Bulxan Abwaan Farshaxan Ah.

Soomaalida waa bulsho hodan ku ah abwaano iyo Maansayahano foolaad ah, kuwaasoo ka dalleeyay deelqaaf iyo naxli intuba; dabuubaha gabay iyo tixaha maanso ee ay curiyeen, Afka Soomaliga iyo inta ku hadashana u dhaafay dhigaal- murtiyeed dheeman iyo luul ah.  Hadaba waxaa jira  mid ka mid ah baarqabtaan oo ubareeray inuu ka leexdo qaabka ay caanka ku tahay suugaanta iyo gabayada soomaaliyeed kaasoo ah; In gabyaagu si qumaati ah u abaaro ujeedada  iyo arrinta uu ka maansoonayo, asaga oo adeegsanaya hadba erayada iyo oraahda ku haboon ujeedkiisa, amba asaga oo adeegsanaya sarbeeb uu ku daahay ujeedooyin waayen.  Gabyaaga Qamaan  waxa uu awood u helay inuu si farshaxnimo ah ugu shaqlo maansooyinkiisa sawir-maskaxeed, si daal iyo dhib la'aan ah ugu sharxayaa dhageystaha ujeedkiisa isaga oo hor keenaya muuqaal uu ku laray dareenka dhabta ah ee uu isagu qabo si uu sahal ugu rumeysto dhageystaha, isaga oonan u baahan faaafihin iyo fasiraad dheer. Bal aynu...

معضلة السياسة الخارجيه الصومالية

  تواجه السياسة الخارجية الصومالية معضلات كبيرة، تتمثل في انتشال صورة البلد المشوهة من أنقاض “الصوملة” “والدولة الفاشلة” التي التصقت اسم الصومال طوال العقود الثلاثة الماضية، وتكريس جهودها في محاولة تغيير تلك الصورة النمطية، بالإضافة إلى استعادة مكانتها الإقليمية والدولية وحضورها في الساحة العالمية؛ حيث إن غياب الصومال عن الساحة الدولية والإقليمية، بفعل الظروف السياسية الصعبة التي مر بها طوال العقود الثلاثة الماضية، والتي شهدت فيها المنطقة تغيرات كبيرة على المستويين السياسي والديموغرافي، أدت إلى اختلال التوازن في ميزان القوة في المنطقة. علاوة على التحديات التي تفرضها البيئة الداخلية من ضبابية الأوضاع السياسية المتدهورة وانعكاساتها على الأداء السياسي الخارجي للصومال، إلى جانب التحديات التي تفرضها البيئة الخارجية، لاسيما فيما يتعلق بضمان استمرار الدعم الأممي لإنجاح العملية السياسية الصومالية وتحقيق المصالحة الوطنية الشاملة، مما يتطلب إلى بناء الثقة بين النظام السياسي والدول المانحة، وهذه المسئولية تقع على عاتق الوزارة الخارجية الصومالية. الأزمة الخليجية وقد وجدت السياسة الخارجية الصوم...