Skip to main content

Dameerkii Boqorka lamooday

Soomaalida iyo Bulshooyinka caalamka  ayaa dhamaan ka siman in ay masa-bididdaan xayawaanada, afkana ugu tiraan, tiraab uunan Eebe awood usiin orashadeeda. Sida ay rumeysan yihiin abwaanada suugaantuna, tani waxa ay qeyb ka tahay tabaha ay bulshooyinku wax u tusaaleeyaan jiilasha ka danbeeyo  iyo si ay u baraan hiddahooda.

Iyaga iyo ku Alla hoode, waxay sheegeen  waa waayada kamid ah, ayuu Dameer damcay in uu noqdo boqorka Kaynta, Habar Dugaag wadar ahaantoodna ay sacabka u tumaan, sare na uqaadaan . Waxa uu  rumeysnaa in uu mudan yahay in uu noqdo boqor, isaga oo si hoose  isu tusay in boqornimadu aysan ahayn meeqaan sare oo lagu maamuusay  Aar-libaax oo qura ah,  ee ay tahay meerto , dhamaan habar dugaagna  ay u wada siman yihiin .

Waxa uuse ogaa in aysan suurtagal ahayn  Boqortooyo, iyada oo uu joogo Boqorkii kaynta iyo habar dugaag oo idil ahaan ba taqiinay dameer . Sidaa-daraadeed,  waxa uu go'ansaday in uu hindiso xeelad uu ku hanan karo jagadaan. Waxa ay talo uga dhamaatay in uu xado "Koofiyadii iyo Maqaarkii " Boqorka kaynta, si ay ugu suurta gashayba waa uu helay labadiiba, dabadeedna xirtay, waxa uuna u dhaqaaqay dhanka habar dugaag,  isaga oo xitaa naf ahaan tiisa iska shakisan in uu dameer yahay iyo in kale.
Waa caadeede , Habar-dugaag dhamaan waxa ay sacab iyo ala'laas ku soo dhaweeyeen boqorka . Shinbiruhu geedaha baarkooda ayay heeso midiba ceynta tahay cod macaan ku xardheen. Halka xamaarataduna ay godadkeedii xaluulatay surkana ka soo taagtay irridda qolqolkeeda, ishana laraacday xarrago-kibir ka boqorka iyo damaashaadka ciidankiisa. Intii qanjaaful ka lahaydna  goor hore ayay hadda cagaha wax ka dayeen, buuraha dhakadooda salaanta uga qaateen Boqorka.

Hayeeshe, horaa loo yiri "Laafyo aadan u dhalan lix Talaabo kulama gaaraan". Waxa uu durbadiiba boqor kii la soo if baxay,  wax caada maleh ah , horeyna aanan loogu baran boqorka kaynta. "Boqorku dareemada ma cuni jirin, mana digeyn jirin, ee miyuu bukaa?"  ayay ku haasawday habar dugaag.
 Waxa uu arrin sidaa ahaadaba, Dacawo(dawaco) oo loogu dawgalay dhagar  iyo sir ayaa go'aansatay in ay u dhaba-gasho boqorka, ayna xuuraanto arrinkiisa. Waa Dameer iyo doqonimadiiye, waxa uu is yiri, mar haddii aad noqotay boqorka habar dugaag carriga adaa u weyn  oo wax kaa daba hadli karaayi ma leh . deetana hada koofiyaddii iyo maqaarkii geed surtay ayuu sidiisii dureemada habeyn iyo maalin ba daliiqay . Goor uu ku hawlanaa cantuugada cawska ayay dacawo ka xadday Koofiyaddii waxayse u dhaaftay maqaarkii.

 Dacawadi waxa ay isugu yeeratay habar dugag, una sheegtay xaqiiqada iyo wixii ay aragtay, dhamaan habar-dugaagna waxay ku dul waa bariisteen dameerki oo maqaarki xiran, dhagihii dheeraa ee cirka utaagnaa midba mar dhaqdhaqaajinayo . Halkaa ayuunu ku fashalay isku daygii dameerka.
Dulucda sheekada waxa ay tahay (qof waliba ma noqon karo boqor, xukunkuna waxaa haboon in uu gacanta ugu jiro kuwa sharafta iyo meeqaanka leh haddi kale fawdo iyo dulinimo ayaa dhici)
Malaheyga arrinta ay bulshooyinka dhamaan Libaaxa ugu baxsheen boqorka  kaynta waxa ay tahay iyaga oo rumeysan milgaha iyo haybadda uu ku dhex leeyahay habar dugaag iyo sida uu uga gedisanyahay hab dhaqankiisu. Sida uu rumeysan yahay  C/raxmaan Bin Khulduun Caalimkii Muslimka ahaa ee "Cilmiga Bulshada". " Waxaa haboon in ay xukumaan bulshada kuwa dhexdooda ku leh haybadda, sumcadda wanaagsan, awooda iyo sameyntan."

By Adam Hussein 


Comments

Popular posts from this blog

Qamaan Bulxan Abwaan Farshaxan Ah.

Soomaalida waa bulsho hodan ku ah abwaano iyo Maansayahano foolaad ah, kuwaasoo ka dalleeyay deelqaaf iyo naxli intuba; dabuubaha gabay iyo tixaha maanso ee ay curiyeen, Afka Soomaliga iyo inta ku hadashana u dhaafay dhigaal- murtiyeed dheeman iyo luul ah.  Hadaba waxaa jira  mid ka mid ah baarqabtaan oo ubareeray inuu ka leexdo qaabka ay caanka ku tahay suugaanta iyo gabayada soomaaliyeed kaasoo ah; In gabyaagu si qumaati ah u abaaro ujeedada  iyo arrinta uu ka maansoonayo, asaga oo adeegsanaya hadba erayada iyo oraahda ku haboon ujeedkiisa, amba asaga oo adeegsanaya sarbeeb uu ku daahay ujeedooyin waayen.  Gabyaaga Qamaan  waxa uu awood u helay inuu si farshaxnimo ah ugu shaqlo maansooyinkiisa sawir-maskaxeed, si daal iyo dhib la'aan ah ugu sharxayaa dhageystaha ujeedkiisa isaga oo hor keenaya muuqaal uu ku laray dareenka dhabta ah ee uu isagu qabo si uu sahal ugu rumeysto dhageystaha, isaga oonan u baahan faaafihin iyo fasiraad dheer. Bal aynu...

Jamhuuriyadda Dabangaalaha iyo Dameerka.

"Quraanjo aruurtay mulac waa jiidaa" oraah fac-weyn  ayaa tiri. Dhaxalka murtiyeed ee ay oraahdani inagu gardaadineyso, inoona  meerineyso ayaa ah, kuwa taagta-daran haddi ay isu tagaan, isuna min-guurshaan awoodohooda waxa ay noqon karaan cudud anan la loodin karin.

معضلة السياسة الخارجيه الصومالية

  تواجه السياسة الخارجية الصومالية معضلات كبيرة، تتمثل في انتشال صورة البلد المشوهة من أنقاض “الصوملة” “والدولة الفاشلة” التي التصقت اسم الصومال طوال العقود الثلاثة الماضية، وتكريس جهودها في محاولة تغيير تلك الصورة النمطية، بالإضافة إلى استعادة مكانتها الإقليمية والدولية وحضورها في الساحة العالمية؛ حيث إن غياب الصومال عن الساحة الدولية والإقليمية، بفعل الظروف السياسية الصعبة التي مر بها طوال العقود الثلاثة الماضية، والتي شهدت فيها المنطقة تغيرات كبيرة على المستويين السياسي والديموغرافي، أدت إلى اختلال التوازن في ميزان القوة في المنطقة. علاوة على التحديات التي تفرضها البيئة الداخلية من ضبابية الأوضاع السياسية المتدهورة وانعكاساتها على الأداء السياسي الخارجي للصومال، إلى جانب التحديات التي تفرضها البيئة الخارجية، لاسيما فيما يتعلق بضمان استمرار الدعم الأممي لإنجاح العملية السياسية الصومالية وتحقيق المصالحة الوطنية الشاملة، مما يتطلب إلى بناء الثقة بين النظام السياسي والدول المانحة، وهذه المسئولية تقع على عاتق الوزارة الخارجية الصومالية. الأزمة الخليجية وقد وجدت السياسة الخارجية الصوم...